Home / Macluumaad / Dhaqaatiir Muslimiin ah oo daweyn lacag la’aan siiya dadka liita ee California

Dhaqaatiir Muslimiin ah oo daweyn lacag la’aan siiya dadka liita ee California

California – 18 sano kahor kadib markii ay albaabada u fureen, dhaqaatiir Muslimiin ah waxay wali kusii socdaan inay daweyn lacag la’aan ku siiyaan xaruntooda Alshifa Clinic dadka u yimaada – u eegis la’aan diintooda ama isirkooda.

“Diinteennu waxay inoo sheegtaa inaan bani aadnimada u istaagno,” Dr. Talat Khan ayaa u sheegay KABC.

“Dadka halkan nagula noolna, waxay isugu jiraan Hispanic iyo African – u badan sabool.”

Xarunta oo la furay 18 sano kahor, waxay taniyo markaas dhaqaatiirtu ku shaqeyn jireen lacag la’aan inay ku dabiibaan bukaannada u yimaada.

Waxay ku kacaysa adduun dhan 25,000$ sanadkiiba inay xaruntu furnaato, waxaana lacag yar ay ka timaadaa dhinaca dowladda dhexe.

Khan wuxuu sheegay in ku dhawaad $1oo,ooo ay iska soo ururiyaan bulshada Muslimka ah ee deegaanka ku nool.

Deequhu kaliya ma ahan kuwo loogu tala-galay inay xaruntu si hufan ugu shaqeyso. Waxay sidoo kale u baahan tahay dhaqaatiir kale oo yaqaan taqasusyo kale sida kuwa bartay gadaala-aqoonka ama umulisada.

Dhaqaatiirtu waxay sheegeen in hadafku uusan ahayn diin faafin, balse ay tahay caawinta dadka dhibaateysan.

“Waxaan ahay masiixi; waxaana u riyaaqay sida qurxoon ee la iigu adeegay,” ayuu yiri bukaan-socod lagu magacaabo Lynn Macy.

al-Shifa waa xarunta kaliya oo dhaqaatiirta Muslimiinta ah ay daryeel caafimaad oo bilaash ah ku siiyaan dadka saboolka ah.

Sanadkii 2012, koox kale oo Muslimiin ah ayaa albaabada u furay xarun daryeelka caafimaadka lagu siiyo dadka dhiban oo la yiraahdo Rahma Health Clinic, duleedka New York.

 

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan