Home / Daraasad / Dhaqdhaqaaqyada Salaadda waxey yareeyaan xanuunada Laf-dhabarta

Dhaqdhaqaaqyada Salaadda waxey yareeyaan xanuunada Laf-dhabarta

Himilo – Muslimiinta waxaa lagu waajib yeelay inay maalinkii tukadaan shan salaadood, kuwaas oo u ah fursad ay isugu xirayaan Eebbe weynaha abuuray.

Dhaqdhaqaaqyada ay sameeynayaa xilliga Salaadda sida xirashada, Rukuucda, Sujuudda iyo kuwa kale waxaa ku jira faa’iidooyin dhowr ah, sida ay muujineyso cilmibaaris ay sameeyeen baarayaal ka tirsan jaamacadda Binghamton ee Mareykanka.

Waxey sheegeen in dhaqdhaqaaqyadaasi jireed oo loo sameeyo sida uu ina faray suubbanaheenna Muxamed NNKH, inay kaalin ka qaato dhimista xanuunada ku dhaca dhabarka. Waxey sidoo kale jirka ka caawiyaan inuu dhimo caadiska dhiigga, heerka garaaca wadnaha, iyo inay murquhu nastaan.

Baarayaasha ayaa ogaaday in waqtiga ugu badan ee cadaadisku fuulo dhabarka ay tahay xilligga uu qofku ku jiro rukuucda, haddii dadka xanuunada ka dareemaya qeybta hoose ay ugu negaadaan sida la farayna ay taasi yareyneyso xanuunada ay ka cabanayaan.

Sujuudda waxey kordhisaa kala bixidda kala goysyada jirka, qulqulka dhiigga gaara madaxa, in jirku helo Oxygen ku filan. Waxay kaloo caawisaa dheef-shiidka iyadoo dhiirrigelinaysa dhaqdhaqaaqa cunnada ku jirta mindhicirada dheef-shiidka, sida ay muujisay daraasaddan oo lagu daabcay mareegta aboutislam.net.

Waxaa shaki la’aan ah in haddii qofku u oogo salaadaha sida saxda ah ay u dhawdahay inuu ka badbaado xanuunada qaar sida kuwa ku dhaca Laf- dhabarta iyo Kala Goysyada.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan