Himilo – Shirkadda Twitter ayaa si ku meel gaar ah u xirtay fadhi ay bartaasi xiriirka bulshada ku lahayd haweeneey khabiir ku ah cilmiga Feyrusyada oo u dhalatay Shiinaha.
Li-Meng Yan ayaa barteeda la xiray talaadadii, kadib markii ay ku daabacday qoraal ay ku sheegayso in Feyruska Corona lagu abuuray lagana soo fasaxay Sheybaarka magaalada Wuhan, walibana ay cadeymo u heyso arrintaasi.
Twitter ayaa sheegtay in koontada la xiray la dhigay fariimo jabinaya xeerarka shirkadda.
Li-Meng Yan oo ku takhasustay cilmiga Feyruska ayaa wareysi ay siisay Foxes News ku tilmaantay sababta loo xiray koontadeeda inaysan shirkaddu dooneynin in dadku ogaadaan runta.
Shirkadaha Baraha Bulshada sida, Facebook iyo Twitter ayaa waday tan iyo markii uu billawday COVID-19, tillaabooyin looga hortagayo wararka been abuurka ah ee la xiriira Feyruska.