Home / Macluumaad / Dhaqtar bilaash ku dabiiba dhibanayaasha danyarta ah.

Dhaqtar bilaash ku dabiiba dhibanayaasha danyarta ah.

Muqdisho – Marka rabshado hubaysan oo ka dhaca Chicago ay qabsadaan wararka ugu doorka roon, layaab kuma noqoto Dr. Daniel Ivankovich

“Waa micnaha waddooyinka,” ayuu yiri Ivankovich, oo ah dhaqtar qallinka ku gaaroobay kana shaqeeya lama-galaan badan oo magaalada katirsan. “Dadku waxay ugu yeeraan xerada dilka.”

Hayeeshe Ivankovich kaas oo dabiibay in ka badan 200 dhibanayaal rabshadaha hubeysan ku wax-yeeloobay, waxaa u muuqata arrin ka weyn darandooriga qoryaha la isku adeegsado iyo danbiyada la kala galabsado. Bartilmaameedkiisu waa inuu diiradda saaro geesta kale ee dhacdada – daryeelka iyo badbaadinta kuwa u baahan kaalmadiisa.

“Kuwani dhab ahaantii waa bulshooyinka ugu caqabadaha badan ee ku nool Maraykanka,” ayuu yiri. “Micno malahan dhanka aad ka eegto – danbiyo, caafimaadka, filashada heerka nololeed – waa mid xun xaqiiqdii.”

Muddo 20 sano ah, Ivankovich wuxuu indhihiisa kaga marag-kacay dad aan xisaab lahayn oo u halgamaya helidda daweyn caafimaad waayo malahan keyd dhuran mana ku jiraan ceymis. Waxay bilooyin ama sanado ku jiraan sugaalka baahiyaha aas’aasiga ah oo u ooman halhaleel in looga jawaabo sida dhaawac iyo bukaan-socodka ku taagan cudurkii uu la jiifsan lahaa.

“Waxaan naftayda ku iri; musiibadani ma Maraykanka ayay ka dhacaysaa?” ayuu yiri.

Sidaas darteed, wuxuu nadray daweynta bukaannada – u eegis la’aan kartidooda wax bixinta. Sanadkii 2012, wuxuu helay naadi aan ribix-doon ahayn oo lagu magacaabo OnePatient Global Health Initiative.

Maanta, Ivankovich wuxuu saddex xarun ka hir-geliyay Chicago wuxuuna sameeyaa 600 oo qaliin. Wuxuu sheegay in 100,000 oo qof ay ka faa’iideen barnaamijkiisa.

“Waxaan ogahay qof kasta ma caawin karo,” ayuu yiri. “Hadafkaygu waa inaan ugu yaraan tiir-dhaxaad u noqdo bukaannada u dhiban helidda daryeelka iyo kaalmada ay lama huraanka u yihiin.”

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan