Home / Arrimaha Bulshada / Dhibaatada laga dhaxlay ciyaal weerada

Dhibaatada laga dhaxlay ciyaal weerada

Himilo – Dhowrkii sanno ee ugu dambeeyey, waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dhallinyaro da’ dhexaad ah oo wata mindiyo, baangado iyo dhallooyin la jibiyey. Dhalinyaradaaa, waxay u abaabulan yihiin koox koox, aad ayay u diyaarsan yihiin marka loo eego sida ay isaga amar qaadanayaan iyo qaabka ay u dhisan yihiin oo qeybo badan oo Muqdisho ah ku sii xoogeysanaya.

Degmooyinka ay ku xoogan yihiin waxaa kamid ah; Wadajir, Kaaraan iyo Dharkeynley. Degmada wadajir oo keliya waxaa ka sameysan in kabadan siddeed koox oo wata magacyo marka aad maqashidba ku argagax galinaya waxaa kamid ah magacyadaas, Ciyaal Dhiijeey, Ciyaal olol, God-godka, Xaawo taako, Citizen, Shataafo, Young boys, Jiiro faras iyo kuwo kale oo badan. Sababta ugu weyn ee magacyadaas ula baxeen waa inay cabsi galiyaan dadka ku nool aagaas.

Inkastoo kooxahan ay wadaagaan dabeecado isku mid ah, hadana koox kasta waxay u howlgashaa si gaar ah, xaafadahana waa ay ku kala xooganyihiin. Mararka qaarkood dhalinyaradaas weerarro xoogan ayay isku qaadaan, iyagoo adeegsanayo dhagxaan, mindiyo iyo biro kale oo ay isku gaarsiiyaan dhaawacyo halis ah.

Arrinta ugu halista badan waa marka la qabto mid kamid ah dhinacyada dagaalama oo kooxdii ka soo horjeeday ay gacanta ku dhigaan, waxay geystaan dhibaatooyin sida inay tinta ka xiiraan, muuqaal ayay ka duubaan waxay ku faafiyaan baraha bushada.

Waxa ugu badan ee dhalinta ku kaliftay inay dhibkan galaan waxaa loo aaneeyaa daroogada ay isticmaalaan. Ganacsada oo ah isha ugu weyn ee dalka wax soo galiya ayaa si weyn uga macaashta dhibaatada ay dhalinyaradan ku kacaan madaama ay isticmaalayaan cirbado, kaniiniyaal iyo waxyaabo kale oo uu jirkoodu la qabsaday.

Ciyaar weerara oo hadda u muuqda inay isku sii beddelayaan tuugo iyo gaan-gis waxay saameyn xooggan ku yeesheen noloshii caadi aheyd ee xaafadaha qaar sida in masaajida lagu dukan kari waayo, suuq-yada qaar inay xirmeen iyo in waalidkii carruurta ay bannaanka wax uga dirsan waayaan.

Tallado

  1. Si looga gudbo dhibaatada ka dhalatay ciyaal weerada, loona ilaaliyo mustaqbalka carruurta ee haadaanta ka sii hoobanaya, waxaa qasab ah in uu dhaco xariir wanaagsan oo dhexmar waalidka iyo carruurta si aan fursad loogu siin ficil qallooca.
  2. In ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga daroogada iyo waxyaabaha maanka-dooriya.
  3. In Booliska iyo dadka degaanka uu dhexmaro xariir wanaagsan oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqa iyo amniga xaafadaha.

Qore: Cali Hilowle

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan