Home / Arrimaha Bulshada / Dhibaatooyinka Muqdisho u gaarka ah

Dhibaatooyinka Muqdisho u gaarka ah

Himilo – Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho waxa ay wajahayaan dhibaatooyin ballaaran oo isugu jira kuwo dabiici ah iyo kuwo aan gacmaheenna ku kasbanay.

Shacabka Muqdisho ku nool lagu qiyaaso saddex milyan oo qof waxay wajahayaan dhibaatooyin badan oo mararka qaarkood ka hor istaaga inay raadsadaan nolol maal-meedkooda.

Saddexda milyan ee Muqdisho ku nool dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira ka sokow waxay wajahaan mushkilado ka dhasha ciidanka hubeysan ee waddooyinka xoogga ku mara.

Dhacdooyinka murugada leh ee laga diiwaan galiyay rasaasta ay xisaab la’aanta u furaan askarta wadooyinka Muqdisho awooda ku mara waxaa kamid ah labo walaalo ah oo lagu dilay isgowska Dabka halka dhacdada kale ee aadka looga murugooday ay aheyd dhakhtar isbitaalka Digfeer ka howgaleysay oo u geeriyootay rasaas haleeshay xilli ay ka rawaxaysy shaqadii ay bulshada u heysay ee caafimaadka.

Dhibaatada kale ee dadka Muqdisho ku nool wajahaan waxaa kamid ah is-rasaaseynta mararka qaar dhax martay ciidanka hubeysan ee isaga hor yimaada isgosyada, ciidanka dalka gaar ahaan booliiska iyo militariga waa kuwa  ugu badan ee israsaaseynta ku dhaxmarto magaalada taas oo keenta inay waxyeelo soo gaarto shacabka ka wadooyinka isticmaalaya.

Dhibaatada kale oo sida gaar ah u saameeya shacabka Muqdisho waa wadooyinka xirma xilliyada madaxdu xafiiska ka soo baxayaan ama ay dhacayaan doorashooyinka, dhamaan isgowsyada Muqdisho ayaa la xiraa marwaliba oo madaxweynaha ama masuul kale oo dowlada xil ka haya uu bannaanka u soo baxayo, xilliyada ay wadooyinka xiranyihiin waxaa dhib ballaaran lagu qabaa gaarida goobaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, dadka ballanta lahaa gaar ahaan dadka safarka ah waxaana xilliyada la dareemo dhibaatada ugu badan ee madaxdu sababaan.

Si dhibaatooyinka looga gudbo waxaa qasab ah in hoggaanka dalka la wareegaya uu xisaabta ku darsado magaalada inaysan kaliya ku nooleen isaga iyo inta maamulka la heysa.

Qore: Cali Hilowle

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan