Home / Arrimaha Bulshada / Dhibaatooyinka nololeed ee haysta carruurta derbi jiifta ah

Dhibaatooyinka nololeed ee haysta carruurta derbi jiifta ah

Himilo – Billowgii qarniga 21aad carruurta dunida waxay wajaheen dhibaatooyin is-biirsaday kuwaas oo hoos u dhigaya in badan oo ka mid ah heer nololeedkooda.

12 milyan oo ubad ah waxay dhintaan inta aysan gaarin da’da shan sano jirka. Dhimashadooda waxaa loo sababeeyaa dayaca laga hortagi karo.

250 kun oo kale waxay toddobaad kasta u nolol seegaan cudurro laga badbaadi karo iyo nafaqo darro hoos u dhigta awooda jifaaca hab dhismeedka jirkooda.

Mushkiladaha haysta carruurta ayaa ah kuwo tiro beel ah. 20 milyan waxay ku jiraan guurguur iyo barakac gudaha dalalkooda ah ama waa qaxooti.

In ka badan 100 milyan oo carruur ah ayaa jidadka ku hoyga kana soo kaca. Labo milyan oo ka mid ah waxay la kulmaan xadgudub sida jir-dil iyo ka faa’iideysi.

Carruur tiradooda lagu qiyaasay 10 milyan, waxaa loogu shaqeystaa habab sharci darro ah. dhibaatooyinka carruurta ayaa sii kordhaya sanadba sanadka xiga.

Soomaaliya waa mid ah waddamada ay ku dayacan yihiin carruurta aan haysan cid daryeesha. Mustaqbalkooda ayaa ku jira mugdi iyo hubanti la’aan.

Tirada Carruurta ku dhibaateysan magaalooyinka dalka si rasmi ah looga oga balse xog kooban ayaa daaha ka rogay inay kumannaan gaarayaan.

Cilmis baaris loogu kuur-galayay carruurta derbi jiifta ah oo laga sameeyay magaalooyinka Burco, Boorama, Berbera iyo Hargeysa sanadkii 2012 ayaa lagu sheegay inay soo badanayaan carruurta waddooyinka ku hoyda.

Sababaha carruurta ku soo riixa inay ku soo dhiiradaan nolosha adag ee derbi jiifnimada waxaa ka mid ah saboolnimo fog oo ka dhalatay musiibooyin sida abaaro dabo dheeraaday.

Carruur badan oo ay qoyaskoodu lahaayeen xoolo ayaa markii ay cayroobeen soo galay xeryo ku yaalla magaalooyinka. Nolosha aan dhiili tirneyn ee ka jirta ayaa ku xanbaarta inay u deegaan doorsadaan derbi-jiiftnimada oo ay dantu baddo.

Sidaas oo kale boqollaal oo carruur ah oo qoysaskoodu ay ku tiirsanaayeen wax soo saarka beeraha ayaa noqday koolla nuug markii ay miyiga ka soo carareen.

Jidadka waxaa ku haysta dhibaatooyin xiriir ah, ma helaan cunno habboon iyo meel ay ka galaan qorraxda, qabowga iyo roobabka gooreysan.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan