Home / Macluumaad / Dhibta Aflaamta cabsida ah ay ku hayaan da’yarta waa tanoo kale!

Dhibta Aflaamta cabsida ah ay ku hayaan da’yarta waa tanoo kale!

Muqdisho – Laba gabdhood oo da’ yar ayaa lagu qabtay middiyo iyo agabyo kale oo af -badan iyagoo jooga dugsi dhexe oo ku yaalla gobolka Florida, kuwaas oo markii su’aalo la waydiiyay qirtay inay doonayeen gawraca qaar ka mid ah ardayda iskuulka, deeto jarjaraan oo dhiiggooda cabaan.

Gabdhaha ayaa lagu qabtay qaybta qubayska ee iskuulka oo ay ku gaadayeen ilmaha yar yar  ee iskuulka, sida uu booliisku sheegay, waxay qorsheeyeen inay ilmaha bireeyaan kaddib dhiiggooda jaqaan hilibkoodana cunaan.

Marka ay ardayga koowaad hilibkiisa ka dhergaan dhiiggiisana ka wabxaan, waxay doonayeen inay dilaan 15-20 arday oo kale, deedna ay iyagu middiyaha ay sitaan isku dilaan.

Gabdhaha ayaa la sheegay inay sidaa u yeelayeen inay galaan “dembi aad u xun,” taasoo u  saamaxaysa inay NAARTA kula waaraan Shaydaanka, iyadoo sida ay baarayaashu u sheegeen warqaadka Time ay hablahani qorshahan kasoo dhambaleen aflaamta cabsida ah gaar ahaan kuwa la yiraahdo Vampire ee ay daawadaan.

Maamulka Bartow Middle School ayaa sheegay in ay ardayda ka “badbaadiyeen” qorshahaa kharriban ee gabdhahaa dad qaloobey, taasoo dhalatay kaddib markii fasalkooda laga tebey ee deeto la raadiyay, kaddibna lasoo helay iyagoo qaybta qubayska ku jira oo ku hubaysan 4 middiyood, middiyaha kartoonnada lagu jaro iyo soofaha middiyaha lagu afeeyo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan