Home / Caafimaad / Dhiig bixintu waxay horseedi kartaa khatar

Dhiig bixintu waxay horseedi kartaa khatar

Himilo – Gabriela Ekman oo kasoo jeeda gobolka Ontario ee wadanka Kanada, waxey ahayd 17-jir markii ay go’aansatay iney ku biirto inta dhiigooda ku deeqda. Waxey rajeyneysay inay baddesho oo ay badbaadiso nolosha qofka kale, wax fikrad ah kama heysan in dhabtii nolosheedu is baddeli doonto.

Afar sano kahor, maalin ayey ka qeyb gashay madal dhiig bixin oo ay soo qaban qaabisay hay’adda samafal ee Canadian Blood Services, si ay dhiig u bixiso.

Waxaa lasoo gaaray galkeedii, haweeney ka mida kooxka dhiigga ka shubayay samafalayaasha, ayaa cirbad kaga muday gacanteeda midig, Ekman markiiba waxey dareentay inay wax qaldan yihiin waxeyse ka door bitay inay aamusto xittaa markii shaqaalaha goobta ay ka aragti dhiibanayeen sida uu u muuqdo dhiigeeda Oksijiinta leh.

Nasiib darrise taasi waxey ahayd tilmaam muujineysay in dhiigga laga shubayo Hal bowle baddelkii laga miiri lahaa xidid. “Waxey ahayd 10 illaa 15 daqiiqo kaddib markii aan dareemay in gacanteydu wax dareen ah lahayn, horey uma aanan shubin dhiig mana garaneynin waxa dhici kara” ayey 21-jirtaan u sheegtay muuqaal-baahiyaha CTV.

Waxey raaciysay, “Ma doonayo inaan dadkaka hor istaago bixinta dhiigga,xaqiiq badbaadin nolol waa wax qurux badan,balse waxaa jirta khatar dhici karta”. Delphine Denis, madaxa qeybta warbaahinta ee hay’adda Canadian Blood Services, ayaa sheegay dhaawacyada noocaasi ah ee ka dhasha bixinta dhiigga ay aad u yar yihiin.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan