Himilo FM – Isticmaalka dhuxusha waxa uu ahaa soo jireen,balse waxa uu sii laba-laxaadsaday markii loo arkay il ganacsi, dadkuna ay u bateen magaalooyinka, waxyaabaha kale ee kor u qaaday isticmaalkeeda waxaa kamid ah saboolnimada iyo dawlad la’aanta.
50% dhuxusha dunida waxaa dhoofsada Shiinaha, India waxay dalbataa qiyaastii 12%, Mareykanka (USA) waxa uu isticmaalaa 9%, Yurub waxay dhoofsataa 8%, halka wadamada kale ay u badan yihiin soo saarayaal, sidaa darteed 75 milyan ayaa si sanadle ah u isticmaala dhuxusha.
Dhirta dhuxusha laga sameeyo waa mamnuuc hase ahaatee sannad walba waxaa si tuuganimo ah ama sharciga baal marsan loo soo saaraa 70%. Inkastoo dadaal loogu jiro ka takhalusidda adeegsiga dhuxusha haddana weli ma muuqato oo dadbaa ku tiirsan.
Xog ku saabsan dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo iyo geedaha la jaray
Intii u dhaxaysay 2011 iyo 2017 waxaa la gooyay 8.2 milyan oo geed, dhul dhan 72,900 hectares ayaa la xaalufiyay. Si kale qiyaastii sannad kasta waxaa la jaraa 2 milyan oo geed, waxaa laga sameeyaa macaash dhan 120 milyan oo Doolar. Dalalka ugu badan ee iibsada dhuxusha waa United Arab Emirates, Bahrain, Kuwait Iyo Oman.Taasi oo ka dhigan in dhuxusha Soomaaliya laga qaado 80% loo dhoofiyo dalalka Khaliijka.
Wadamada dhoofsada dhuxusha Soomaaliya ma aha keliya kuwa aan xusnay waxaa jira kuwo kale, tusaale waxaa noogu filan Ciraaq oo billowgii 2018, lagu qabtay markab siday dhuxul ka badan 200,000 jawaan oo Soomaaliya laga qaaday.
Sannadkii 2012-kii, golaha ammaanka ee jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa waxa uu mamnuucay in dhulka Soomaalida laga dhoofiyo dhuxul, hase ahaatee, xannibaadaasi ma horseedin in la joojiyo dhoofinta dhuxusha.
Dhirta waa-weyn waxay ka kooban tahay geed nugeyl iyo mid abaareed, dadka jara geedaha waxay aad u beegsadaan geed abaareedka, waxaa ka mid ah Galoolka, Qansaxa, iyo Quraca, sababta ay u daneeyaan waxay tahay in ay leeyihiin dhuxul wanaagsan.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan deegaanka waxay sheegtay in geedka Quraca uu sii baaba’ayo, geedkan waxa uu leeyahay ahmiyad weyn marka laga tago iney wada harsadaan dad iyo duunyo, waxa uu caan ku yahay miraha Abqada la yiraahdo, oo ay xooluhu u baxsadaan (ku badbaadaan) xilliyada jilaalku dheeraado.
Soomaaliya waxay lumisay geedo badan weli waxaa sii socda jaridda, natiijadu waxay noqotay xaalufin ba’an, Goynta dhirta keliya deegaanka dhibaato kuma aha, balse waxay ciriiri gelineysaa hab nololeedkeenna guud.
Dhul daaqsimeed ballaarnaa bilic lahaa wuxuu isku bedelay gawaan – waxa uu la mid noqday baso bidaari gashay – dhulkii hoyga u ahaa duur-joogteenna markii gudumaha loo afeystay waxa uu isku rogay galgalin bannaan guban (Bannaan diiran), waxaa la guryo tiray dhammaan duur-joogtii, ficilkaas waxa uu ka qeyb qaatay inay yaraato duur-joogteenna.
Sida ay rumeysan yihiin aqoonyahanada deegaanka noocyo ka mid ahaa duur-joogta oo Soomaaliya ku badnaa ama ay la gaar ahayd ayaan maanta laga heli Karin,xitaa haddii uu dhakhtar dawo kaaga dhigo oontooda sida hilibkooda,caanahooda iyo wixii lamid ah.Kuwa la laayay marka laga tago,inta kale markii laga xaalufiyay deegaanka waxay noqdeen bannaan yaal, taa waxay u horseeday inay daydaan meel gabaad u noqota.
Marka laga yimaado duur-joogta, dhir jariddu waxay saameysay dab-joogta – xoolaha aan dhaqano siiba saddaxda meesi ariga, geela iyo lo’da – dhirta waxay isugu jirtaa geedo dhulka mitiro dheer ka baxa iyo geed gaab, labaduna waxaa ka dhaxeeya xiriir is dhameystira.
Marka la guro dhirta waa-weyn, waxaa dabeysha u sahlan inay qaado ciidda hodanka ah, cawska iyo wixii soo raaca sida xaabka geedaha (caleenta qallasha ee dhulka ku dhacda), markay sidaas dhacdo dhulka waxaa ku dhaca nabaad guur, hadda meelo badan ayuu ka jiraa, waana tan sababaysa in laga hadlo dhibaatada dhir goynta.
Sannadkii 2015, hoggaamiyeyaasha dunida waxay heshiis dhicisoobay ku gareen Paris, nuxurka heshiiskaas waxa uu ahaa in laga hor tago wax walba oo isbedel ku keeni kara cimilada, mar kale 2018, waxaa Poland ku shiray siyaasiin, waxay ka hadleen wax ka qabashada waxyaabaha ka qeyb qaata isbedelka cimilada ee ay ka midka tahay dhir jaridda.
Shir labo maalin socday oo ay taageereysay qaramada midoobay ayaa lagu qabtay Muqdisho bishii May 2018, qoddobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa deegaanka, ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo madasha hadal ka jeediyey waxa uu walaac ka muujiyay dhuxusha badan ee loo dhoofiyo dalalka Khaliijka.
Soomaaliya waxay marar badan sheegtay inay ka go’an tahay inay joojiso dhoofinta dhuxusha waxayna dawladdu shaacisay inay ka shaqeynayso sidii bedel loogu heli lahaa dhuxusha. Balse waxaad maanka ku heysaa in qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka ay isticmaalaan 90% ama ka badanba dhuxul.
Si kooban dhuxushu waa deegaan dooriye indhaha laga datay runtii, inkastoo dhaqaale laga helo iibinteeda, haddana dheefta laga intifaacsado, waxaa dhawr jeer ka badan dhibaatada laga dhaxlo sida nabaad guurka.
Ganacsiga dhuxusha waxaa la aaminsan yahay inuu qeybo ka yahay mushkiladaha dalka ka jira sida abaaraha, daadadka, khilaafka iyo ammaan la’aanta. Isbedelka dhanka cimilada ee ka dhashay dhir jaridda Soomaaliya waxay ka gashay kaalinta toddobaad marka loo eego warbixin lagu daabacay dhigaalka unenvironment.org.
W/Q: Axmed Maxamed Maxamuud