Home / Arrimaha Bulshada / Dib u soo celinta qaadka Kenya ma uga sii dari karaa dhaqaale xumada dalka ka jirta?

Dib u soo celinta qaadka Kenya ma uga sii dari karaa dhaqaale xumada dalka ka jirta?

Himilo – Qaadku waa aafo ay la nool yihiin dad badan oo soomaali ah, wuxuu saameyn xooggan ku leeyahay qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaa ku kala tagay qoysas iyo qaraabo, waxaa ku kala irdhoobay labo isla dhalatay iyo labo isdhashay, wuxuu ka saameeyay Soomaalida dhan waliba ha ahaato dhan bulsho iyo dhan caafimaad.

Qaadka meeshii ugu horreysay ee laga beero waxaa la sheegaa in ay ahayd bariga Africa gaar ahaan waddanka Ethiopia inkastoo ay jiraan dad aaminsan inay Yaman ku horreysay Beerista geedka Qaadka. Cilmi baaris ay sameysay Rugta Cilmi Baarista Amaanka Carabta waxaa lagu ogaaday geedka qaadka in uu ka baxo 4,000 ilaa 9,000 cag caBbirka badaha.

Waxaa la qiyaasaa inuu gaaro dhirarka geedka qaadka 1M ilaa 2M marka uu ka baxayo buuraha guntooda Sare, halka marka uu ka baxayo buuraha guntooda hoose uu gaaro ilaa iyo 6m, marka uu heysto biyo baaxad leh dhererkiisu intaas wuu kasii koraa.  Waxaa la wariyaa in markii ugu horreysay ee Soomaaliya uu soo galayay inay bilaabeen cunistiisa dad sheegaya inay doonayaan in ay cibaadeystaan habeenkii si ay u soo jeedaan waxay cuni jireen qaadka. Markaas kadib wuxuu isticmaalkiisu u gudbay darawalada wada gawaarida, sid ay u dhafraan habeenkii, sidaasi ayuu ku soo galay Soomaaliya qaadka sida uu aaminsan yahay Pro Maxamed Cabdi oo qoray Buuga ‘Haddimooyinka Qaadka’.

Baaritaan ay sameysay hey’ada caafimaadka u qaabil-san Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa sanadkii 1975-kii waxaa la ogaaday Qaadka inay ku jiraan in ka badan 40 Maado oo darooga ah waxaana ugu sareysa maadada (Katanoon) oo ah mida qofka gaarsiisa heer waali ah, Maadada katanoonka waxay gaarsiisan tahay daroogadeeda mida laga baaro ciyaartoyda ciyaara orodada oo ay ku muteystaan haddii lagu arko Jirkooda maadadaasi ganaax ciyaaraha looga mamnuuci karo.

Qofka qaadka cuna waxaa lagu sifeeyaa in uu lamid yahay qof dagaal ku jira oo kale ‘Jirkiisuna waxuu soo daayaa dheecaanada lasoo daayo marka uu jirko dagaal ku jiro sidaasi owgeed qofka qaadka cuna mar-waliba waxaa laga filan karaa dagaal si uu ula fal galo dheecaanada qaldan ee uu soo daayo jirkiisa. Qaadku wuxuu dhibaato xooggan ku keenaa dhaqaalaha qaranka iyo midka qoyska isagoo bur-buriya dhaqanka iyo jiritaanka bulshada. Burburkii Soomaaliya qaadka badankii wuxuu ka imaan jiray dalka Kenya balse dowladii madaxweyne Farmaajo ayaa hakisay qaadkii Kenya laga soo daabuli kiray, dhowr sano oo aan qaadka Kenya Airport-ka ugu weyn Soomaaliya ee Aadan cadde laga soo dajin waxaa soo baxaya ifafaale muujinaya in dalka dib loogu celinayo.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa gaaray meesha ugu xun oo dalalku ay kala gaaraan taa oo ah in safaaradaha lakala rarto. Inkastoo dhowr bil kadib xaalku uu qaboobay hadane weli waxaa soo jiray hurgumooyinkii ka dhashay xariirkaa go’ay. Hadafka ugu weyn oo Kenya ay ka laheyd soo celinta xariirka labada dal waxa uu ahaa in suuqa qaadka ee Kenya dib loogu soo celiyo Soomaaliya balse arrintaa hoggaankii dalka ayaa ka gaabsaday.

15-kii bishii May doorashadii dalka ka dhacday kadib Kenya waxaa soogalay rajo weyn iyo ifafaale u muujinayo inay Soomaaliya dib ugu soocelin karto qaadka, maalintii caleema saarka madaxweyne Xassan Sheikh, qodobkii ugu weynaa ee uu hoggaanka Kenya miiska soosaaray waxa uu ahaa soo celinta xariirka ganacsi ee labada dal oo uu ula jeedo qaadka.

Maalmo kadib Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo lahadlayey beeraleyda Qaadka Kenya ayaa ugu bishaareeyey Suuqa qaadka Kenya ee Soomaaliya in uu furmayo shanta bisha July isagoo aan sheegin wax badiil ah oo Soomaaliya ay ku heleyso suuqa ay Kenya u furtay. Hadaba dhaqaalaha dalka xal ma u yahay qaadka Kenya ee doollarka lagu baddalanayo?

Qore: Cali Hilowle

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan