Home / Arrimaha Bulshada / Dib u xusuuso sheekada Gabadha fuusha Buuraha

Dib u xusuuso sheekada Gabadha fuusha Buuraha

Himilo – Waxey dhawaan gashay buugga lagu keydiyo sheekooyinka cajiibka ah ee GUINNESS kadib markii mudo ka yar laba sano ay ku gaartay barta ugu sareysa sedaxda buur ee ugu dheer caalamka.

Álvarez Chávez, ayaa safarkeeda ka billaawday buurta caalamka ugu dheer ee Everest,iyada oo dhulka u jirsatay 8,848-mitir,waxaa ugu xigay K2-buurta 2aad ee ugu dheer dunida- 8,611 mitir ayey gaartay, halka safarkeeda ay kusoo gabagabeeysay buurta 3aad ee Kangchenjunga waxeyna dhulka u jirsatay markaas 8,586-mitir.

Dhammaan isku dayadaasi guuleystay waxey ku sameeysay mudho dhan sanad iyo 364 cisho,taas oo ka dhigtay gabadhan u dhalatay dalka Mexico tan ugu dhaqsiyaha badan ee wax ka yar laba sanadood ku gaarta cirifka sare ee seddaxda buur ee ugu dheer dunida.

Waxaa booskaasi ay kala baxday Go Mi-Sun-oo kasoo jeedda Kuuriyadda Koofureed-oo shaqadaasi ku qabatay laba sano iyo laba Maalin sanadkii 2007-dii.

Álvarez,ayaa dhinaca kale noqotay ruuxii ugu horeeyay ee ku abtirsada Koofurta America ee gaara fikta sare ee buurta K2-tan labaad ee ugu dheer caalamka.

Natiijada dadaalkeeda ayey u gudbisay maamulka buugga GUINNESS World Recordes sanadkii 2019-kii,balse waxaa guusheeda laga marqaati kacay dhawaan,markaas oo xaflad uu ka qeyb galay agaasimaha waaxda Latin America lagu gudoonsiiyay shahaado.

Nasiib wanaag Álvarez Chávez-oo socdaalkeeda buura fuulista ka bilawday dalkeeda-waxa ay ku biirtay afarta boqol ee ruux ee ku guuleystay inay gaaraan cirifka sare ee buurta K2,taas oo lagu tiriyo buuraha ku halisan caalamka.

Ku dhawaad 90 dadka buuraha fuulo ah ayaa geeriyooday iyaga oo isku dayaya inay gaaraan barteeda sare.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan