Home / Macluumaad / Dibjir lala daabulay qashinka kadib markuu ku dhex hurday gudaafad

Dibjir lala daabulay qashinka kadib markuu ku dhex hurday gudaafad

Muqdisho – Nin ayaa u qeyla-dhaansaday caawimaad kadib markii gaadiidka daabula qashinka ee ku howlan nadaafadda ay isaga iyo qashinka iskula shubeen gudaha gaariga aroor hore subaxdii, marka loo eego booliska Florida.

Waaxda booliska Tampa ayaa sheegay in dab-damisleydu ay soo samata-bixiyeen nin dibjir ah aroor hore subaxdii Arbacada kadib markii mid kamid ah gaadiidka nadaafadda uu degdeg usoo wacay numbarka 911.

Ninka ayaa loola cararay isbitaal goobta ka ag dhawaa.

Marka loo eego baaritaanka booliska, ninkan dibjirka ah ayaa xilli habeen barkii ah wuxuu daal kula soo dhex dhacay gudaafadda wuuna iska jiifsaday.

Aroorti hore ee maalinta Arbacada, waaxda nadaafadda iyo bilicda deegaanka ayaa howsha maalinlaha u aheyd ku qaaday gudaafadda caadiyanba ay ka qaadi jireen goobta.

Durbadiiba, darawalka ayaa qeylo uga soo yeertay qeybta danbe ee gaariga, wuxuuna hubsaday qof inuu ku jiro gudaafadda uu soo qaaday. Waana markii uu wacay nambarka degdegga ah ee 911.

Si kastaba, booliska iyo waaxda dab-damiska ayay ku qaadatay in ka badan saacad inay kusoo samata-bixiyaan ninkan 32-jirka dibjirka ah oo lagu magacaabo Tristan Godsey.

Waxaana loo qaaday isbitaalka St. Joseph’s Hospital halkaas oo lagula tacaalayo dhaawac kasoo gaaray jabniin dhinaca shanshada ah.

Isha: radiohimilo.so

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan