Home / Macluumaad / Dibqalooc saddax qof ku dilay Masar

Dibqalooc saddax qof ku dilay Masar

Himilo – Kaddib roob mahiigaan ah oo wata hanqar oo ka da’yay tan iyo jimcihii degaanada ku yaala jiinka webiga Nile ee Masar, saddax ruux ayaa geeriyootay.

Dadkan ma sababsan biyaha roobka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka waxey u dhinteen sunta noolaha halista badan ee Dibqalooca, kaasi oo sidoo kale dhaawac gaarsiiyay 450 kale.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Masar ayaa u sheegay wakaaladda Al-Ahram news agency in roobka da’ay uu hooygoodii kasoo saaray masas iyo dibqalloocyo, kuwaasi oo lagu arkay wadooyinka waa wayn ee magaalada jihada koofureed ku yaala ee Aswan.

Waxaa heegan la galiyay shaqaalaha isbitaalada, waxaan la amray inay shaqada ku laabtaan iyaga oo ku jira fasaxii toddobaadka, waxaana loo daabulay shixnado sida sunta daba qaroofka.

Ashraf Attia, duqa magaalada Aswan ayaa ka dalbaday dadweynaha inay ku sugnaadaan guryahooda oo ay ka fogaadaan goobada ay kusoo dhaceen geedaha tan iyo inta xaalku ka xasilayo.

Masa muuqato saan-saan oo waaxda saadaasha cimilada waxey sheegeysa in 24-ka saac ee soo aadan uu roobku hoori doono.

Noolahan inta badan habeenkii guureeya ee la bahda ah caarada, waxa uu qeybta danbe ee jirkiisa ku sitaa sun, taasi oo sababi karta in ruuxu u geeriyoodo haddii uu qaniino, bal se dhammaan noocyada dib qallooca halis ma wada aha.

W/Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan