Home / Habka-Nolosha / Diego Simeone oo xaqiijiyay soo laabashada Jose Gimenez

Diego Simeone oo xaqiijiyay soo laabashada Jose Gimenez

Atletico Madrid tababaraheeda Diego Simeone ayaa carabka ku dhuftay in Jose Gimenez uu diyaar u yahay kooxda kaddib markuu kasoo kabtay dhibaato dhaawac oo u diiday inuu garoomada lug soo geliyo tan iyo bartamihii bishii March.

Gimenez soo laabashadiisa ayaana ku soo aadeysa xilli kooxdu ay waqti xasaasi ah ku jirto oo ay sidoo kale la dhibtooneyso la’aanshiyaha daafaca dhexe Diego Godin oo maqnaan doona labada kulan oo soo aadan kaddib dhaawac muruqa ah.

Simeone ayaana gaashaanka u daruuray inuu hoos u dhigo muhiimadda Godin, laakiin wuxuu xusay in Gimenez uu diyaar u yahay kulanka ay maanta la dheelayaan Malaga.

“[Diego Godin] waa xiddig si weyn kooxda muhiim ugu ah, laakiin waxaan heysanaa cayaartoy tayo sare leh sidoo kale [Jose Maria] Gimenez ayaa inoo soo laabtay. Xiddigaha kale ayaana bixinaya jawaab wacan, laakiin weli waxaan rajeyneynaa inuu dhaqsiyo u soo kabto.” Simeone ayaa sidaa weriyaasha u sheegay.

Atletico ayaa ku soo dhoweyn doonta Bayern Munich gegada Vicente Calderon lugta koowaad ee wareega afar dhammaadka koobka kooxaha Yurub toddobaadka soo aadan xilli ay tartan xoogan ugu jirto hanashada horyaalka La Liga.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan