Home / Macluumaad / Dookha guur-takoor waa ka mamnuuc
stop discrimination no racism agains minorities equal rigths no homophobia or gender discrimination

Dookha guur-takoor waa ka mamnuuc

Muqdisho – Quursiga Heyb sooca ama takoorka waxa uu galaa dhinacyo badan, balse kan aan hadda kaga hadlayo maqaalkaan waa midka guurka oo aan dhib yareyn sida aan qisooyinkiisa ka arki doono.

Waxaa dhacda haddiiba ay is-guursadaan lamaane ka soo kala jeeda beel la hayb-sooco iyo mid kale in lamaanaha la dhibaateeyo bedelkii la bogaadin lahaa.

Heyb sooca guurka ma ahan keliya mid bulshada Soomaalida ka dhex dhaca, balse waxa uu ka jiraa meelo badan, haba lagu kala horeeyee ku dhiirashadiisa.

Waxaa la isku sheegaa inuu yahay dhaqan u baahan in laga tallaabsado, hase ahaatee weli mucaashaqiin wacad wada galay ayaa ku turunturooda kurtumadiisa, dabadeedna nasiib ka sokow isku seega.

Labada qof ee is calmaday marka laga tago guurku waxa uu ku xididdo fidsadaa labada qolo ee ay ka soo kala jeedaan lamaanaha is doonaya oo go’aanka la leh.

Qoyska gabadha ama kan wiilka mararka qaar midkooda ayaa ka horyimaada guurka sababo la xiriira heyb sooc ama  siyaabo kale.

Sida badan kolka uu go’aankan ka soo fulo labada reer midkood waxaa halkaa ku riiqanta riyadii rumoobi laheyd ee raaska lagu unki lahaa, muraaro dillaaca labada dhacanta la kala dhax dhigay ka sokow ficilkan waxa uu dhabbaha u fali uurkutaalo sii jirta.

Waa bannaan inay gu’yaal laabta uga sii dhignaanayso cid kasta oo lagu sameeyo hayb-sooc guur, taa waxa ay dhaawacaysaa midnimada ummadda iyo islaanimadeenna.

Waxa ay horseedaysaa kala fogaan bulshada dhexdeeda ah. Sheekooyinka xanuunka leh ee Isir soocaan guur laga sheego waxaa ka mid ah in haddii ay dhacdo inay is guursadaan labo lamaane oo ku kala abtirsada qolyaha la takooro iyo kuwo is korreysiiya in la gooyo labada raaska yeeshay ama dartood laysku gacan qaado la isku Qudh Gooyo , laysku handado bedelkii la xididi lahaa.

Qoysaska culeysyadan ka gudba ee yegleelma badankood waxa ay noqdaan kuwo la deyriyey, bilowga horaba waxaa yar suurta-galnimada in labada qoys si uursan u taageeraan guurka ubadkooda is doortay, ama aysan fara gelin ugu yaraan.

Kuwa qaar oo ay u suuro gasho inay qabsadaan munaasabadda guurkooda say ku dhacdaba, waxaaba suura gal ah in cidiba aysan ka soo qeyb gelin xafladooda ama aan si mug leh looga soo qeyb qaadan sida aroosyada kale.

Taa waxa ay gogol dhig u sii noqoneysaa in reerkan curdunka ah ay u badan tahay iney waayaan bariidadii beerkii dhalay iyo in badan oo kale, illeen aqalkooda horaba waxa uu ahaa mid aan lagu farxine, balse waxaa suurobi kareysa in laysku soo dhawaado marka dambe dan keentaba.

In labada lamaane oo doonaya in ay la liis noqdaan qoysaska kale ee unkan ayaa waxaa ku hor gudbanaada heyb sooca guureed ee gu’yaal badan ka dhex guuxayay dadweynaha

Waxaase dhawaanahan madaxa sare ula soo kacaya oo sii kicinaya buktadan uur kutaalka ah ee in-badanba soo jireenka ah baraha bulshada oo faafinta ficilada takoorka guurka qeyb ka qaatay.

Waa dhaqan ku xeeran Soomaali meel waliba oo ay dagaan ,in aan maqaalkan ku farmuuqno qoysaska la hayb sooco waxaa igu dhaliyay dhacdo ugub aheyd oo ka dhacday caasimada ,waxaase taas ka sii horaysay labada lamaane oo iyaguna dhibane u noqday heyb sooca Guurka oo ku nool Waqooyi galbeed Soomaaliya.

Waxaase iswaydiin mudan goorma ayaan ka guuri doonaa dhacdadaan dhaqanka inoo noqotay?

Qore: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan