Muqdisho – Markii ugu horreysay oo aan meel ka baxsan dalka kula kulmo da’yar tahriib u geyfan waxay ahayd sanadkii hore kolkii wiil yar oo kasoo jeeda qoys nolol ahaan iska ladan aan kula kulmay magaalada Nairobi.
Wuxuu safar qarsoodi ah – isaga oo caafimaad qaba – uga soo anba-baxay magaalada Muqdisho. Nasiib-darro wuxuu yimid Kenya isaga oo la xanuunsan waabayda mas qaniinay intii uu safarka kusoo jiray. Dadka ehelkiisa ah oo halkan ku leh ganacsi iyo asxaab kale oo ay is-bar yaqaaneen ayaa ku baxay samata-bixintiisa.
In kasta oo si xanuun badan uu ula tiihay qaniinyada maska, haddana wuxuu ka mahdiyay gargaarka degdegga ah ee kaga yimid gacantiisa. Hayeeshe, nabarrada ku yiillay waxay hadiyo jeer ku xanbaarayeen sidii uu mar un dalkiisa dib ugu laaban lahaa. Ugu danbeyntii, bil iyo labaatan cisho kadib wuxuu farxad kula laabtay magaaladii uu ku dhashay.
Go’aankiisu wuxuu ahaa mid wali gacantiisa aan ka bixin. Waayo haddii musiibadu ku qabsan lahayd meel ka baxsan xuduudda Kenya ay la wadaagto Suudaan, laga yaabee inuu horay ugu sii adkeysan lahaa mashaqada heysata. Mana heleen asxaab ugu yaraan talada uga deeqda midda ugu fiican. Mukhalisiintii soo wadayna, kama yeeleen inuu dib uga laabto maadaama uu kaga baxay waqti badan. Ugu yaraan waxay ka dhaadhicin lahaayeen inuu is giijiyo. Carruurna geedkii dhow baa lagu geeddi geliyaaye, waxay u sawiri lahaayeen riyada beenta ah.
Sidaas darteed, wuxuu dhab u mahdiyay dhaawacii kusoo gaaray meel aan kaliya wax loogu qaban karin, balse uu ku qaadan karo go’aan naftiisa badbaadinaya.
Hadda wuxuu ku howl-galaa Bajaaj loo iibiyay. Wuxuuna reerkiisa ka dabaraa biilka maalinleed iyo bixinta wax-barashada carruurta la dhalatay. Waaya’aragnimadan wuxuu ku dhadhamiyay da’da 19-jirnimada. Maanta mar kasta oo la weydiiyo haddii uu jeclaan lahaa Yurub iyo in kale, jawaabtiisa aan is-bedelka lahayn waxay tahay maya!
Sheekada da’yarkan waa mid kamid ah kumaankun kale oo qeyrkiisa ah kuwaas oo sanad kasta dalkooda kaga taga gaarista nolol ay rumeysan yihiin inay ka fiican tahay kana liibaan badan tahay kobtii lagu dhalay.
Hayeeshe, go’aankiisu waa dhif iyo naadir kasoo go’ laabta da’yar kasta oo u biyaysta inuu gaaro ciidda Yurub. Intooda badan waxay guddoomaan midda qaraar – iyaga oo u bareera inay nafta u loogaan hoog qaawan.
Da’yarta dooranaysa inay dalkan ka haajiraan, badigood ugama tagayaan arrimo la xiriira gaajo iyo la’aanta tiirarka aas’aaska u ah nolosha. Waxay ka deeqtoon yihiin wax la cuno: la xirto: iyo adduun haba iska yaraadee wax lagu baran karo. Qaarkood waxay dhameeyeen dugsiyada sare ee dalka – kuwana heerkii Jaamacadda oo u ah meel-dhexaad ama gabagabo ayay tahriib goostaan.
Mas’alada xaggooda ka taagan oo ay safarka dheer jawaabteeda uga raadinayaan waa helidda isku filnaansho maaliyadeed iyo inay xor u noqdaan maareynta noloshooda. Waxay naawilayaan wax ka dheer inta ay ku heystaan dhulkooda. Waxaa ku daadegsan in halkan ay fursaddii nolosha u oollin. Hankaas quruxda leh wuxuu bilow ka noqdaa halista ku xeeran gaarista ciidda Yurub.
In kasta oo laga yaabo qaarkood inaysan taasi u ahayn midda koobaad – oo ay doorbidayaan kasoo jeedsiga dunida guudka ka cagaaran: gudahase ka qaraar oo kaliya, haddana sida ay Buufiska uga siman yihiin ayay u naawilayaan abuurashada iyo rumeynta riyada la qurxoon oo ay u nool yihiin xaqiijinteeda.
Marka ay goosanayaan go’aanka tahriibka waxay ku sireystaan qalbiyada: la wadaagaan asxaabta dadka ugu dhow: mana rabaaan inay u ban-dhigaan dadka waaya’arag ah ee dhali kara ama nolosha ugu soo horreeyey. Waa da’yar – gu’ iyo garashaba ka siman – oo isku qurxiya waxa ay naawileen. Waalidku waxay ku baraarugaan gunaanadka arrintan oo muddaba carruurtooda la miranayeen habeenno badan.
Waxaase jira in kale oo si bareer ah uga hadasha doonistooda la xiriirta inaysan ku qancin nolosha ay heystaan – rabaanna inay u bareeraan tahriibka. Waxay og yihiin ama looga quus-dhabay inay helaan ama loo yeelo shaqo ay ku maareeyaan noloshooda.
Sidaas wgeed, in waalidiintu hadiyo gooraale la socdaan marxaladaha heysta ilmahooda, kaliya kama baajinayso dhibaatada tahriibka. Waxaa loo baahan yahay in la sameeyo wacyi-gelin xaafad-xaafad: degmo-degmo: iyo magaalo-magaalo ku siman taas oo sidoo kale lagu jaadayo hir-gelinta mashaariic ilo badan oo shaqo abuur u leh dhalinyarada.
Dadaallada loogu jiro la-dagaalanka tahriibka uma baahna oo kaliya in lagu cirib-tiro gacan dowladeed. Waxaa loo baahan yahay in wadajir loogu istaago. Tanina waa in loo maraa micno kasta oo lagu xaqiijinayo.
Haddiise dowladda iyo urrurada aan dowliga ahayn laga sugo la tacaalista dhibta tahriibta, da’yar badan ayaa kusii adkeysan doona go’aan qaraar oo lafahooda halis dhaxalsiiya.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com