Home / Arrimaha Bulshada / Doorka Masaajidda ay ku leeyihiin Horumarka Bulshada

Doorka Masaajidda ay ku leeyihiin Horumarka Bulshada

Himilo – Masaajidda diin ahaan aad bay uga guda ballaaran yihiin in lagu gaar yeelo kaliya cibaado iyo alla-bari taas oo ah sida qura oo Somaalidu badi ay ka heystaan xaggiisa.

Amminta shanta gooreed oo 24-kii saacba ay tahay in la ajiibo baaqa ah in loo kaalayo salaadda iyo liibaanta, si wadajir loogu oogo salaadaha ayaa ah howsha ugu badan – mararka qaarna ah midda qura – oo masaaajidda ay qabtaan.

Dhab ahaantiisa, waa iska caadi in masaajid walba albaabada loo balaqo durba marka la gaaro waqtiyada salaadaha – iyada oo isla jeerkaas waqti u dhowna albaabada loo xirayo madaama aysan ka jirin howlo kale oo samafal iyo kheyri ah.  

65% masaajidda maanta kama socdaan duruusihii joogtada ah ee laga raacin jiray kutubada diiniga. In yar oo qura ayaa tirsiga sannadlaha ah, afar bil oo kamid ah waxay marti-geliyaan culumo kitaabo ka aqriya masaajidda si jamaacada qaar ee daneynaysa ay uga faa’iideeyaan.

Tani runtii waa xaalad murugo leh. Saxaabigii weynaa ee Abuu Hureyra ayaa u yimid koox Muslimiin ah oo ku mashquulsanaa kala geddis iyo howlo adduun. Markaas ayuu u sheegay in Masjidka Nabiga lagu qeybinayo dhaxalkiisa – isaga oo kala jeeda in afartiisa dhainacba ay ka socdaan duruus diini ah oo ay raacayaan saxaabadii iyo taabiciyiinta.

Waana asalka gunta oo masaajiddu lagu yiqiin inay u taagnaadaan si loo helo umad cilmiga iyo cibaadada meel qura ku wada kororsada. Fahamkii uu gaarsiisnaa kaalinta ay masaajiddu ku lahaayeen cilmiga waxaad ka fahmaysa sida ereyga chair oo afka qalaad ku ah Kursi looga soo amaahday fadhigii Shiikha loogu dhigi jiray gudaha Masjidka si duruusta looga yeersado.

Laakiin, ma ahani oo kaliya kaalinta wax-barashada midda ay Masaajiddu buuxiyaan. Qeybaha kale ee nolosha sida wacyi-gelinta iyo heshiisiinta umadda Muslimka ah ayay ku leeyihiin kaalin caadyaal ah. Waana door kale oo maanta aan in badan ka dhex jirin masaajideenna.

Way dhacdaa in maskiin dawarsanaya loogu yabooho siin yar oo loo ururiyo. Balse, dhab ahaantii, wax walba oo umadda Muslimka ah anfacaya – adduun iyo aaqiro – lagana yaabo inay maanta agtaada ka yihiin qariib ayay masaajiddu u taagan yihiin inay haqabtiraan xattaa madadaalada.

Cumar ibnu Khadaab ayaa u yimid koox Xabashi Muslimiin ah oo Masjidka nabiga ku dhex ciyaaraysa fallaar qowseyn, isaga oo caraysan kuna dhahaya ‘maxaad ku dhex sameynaysaan masjidka Rasuulkii Ilaahay?’ ayuu Nabigu ku yiri; – ‘dhaaf Cumarow, waxaanu rabnaa in Yuhuuddu fahamto in diinteenna Islaamka ay tahay mid baahiyaha nolosha oo dhan dhammeystiraysa.’

Maanta oo lagu jiro qarniga 21aad oo wacyiga iyo wax u sheegga toosan ee umadda ay laf-dhabar u tahay wada-noolaanshaha iyo is-dhexgalka, waa muhiim in masaajideenna loo arko isha ugu weyn oo lagu hubsan karo isku keenidda iyo u kala faa’iideynta bulshada Muslimka.

In loo fahmo goobo lagu cibaadaysto oo kaliya, waxay xagal-daacinaysa fahamkeenna diiniga iyo doorka ay ka ciyaari karaan horumarinta nolosheenna.

Sidaas darteed, waxaa la jooga waqtigii aanu hadda kaddib il goonni ah siin lahayn Masaajidda – innaga oo ka bilaabayna duruufta iyo musiibooyinka ay isla waqtigaan la daalaa-dhacayaan bulshada sida xanuunka faafaya ee Covid-19 iyo abaaraha iyo colaadaha soo laablaabta kuwaas oo galaafanaya jeesas badan oo sees u ah mujtacameenna – miyi iyo magaalaba.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in lagu baraarugsanaado in kaliya muxaadarooyinka iyo wacdiga ka jira masaajidda aysan ku filnaan karin dhisidda wacyi-geenna. Waa muhiim in jamaacada masjid walba ay si ficil ah isugu taagaan wax ka qabashada xaaladaha murugada leh ee ka taagan degaanka sida qashinka iyo bacda balaastikada oo aafo ku ah hab nololeedka arlada.

Meelaha kale oo muhiimka ah in looga faa’iideyso doorka masaajidda waxaa laga xusi karaa isku gargaaridda iyo ka-warqabka jaarka lana aas-aaso guddiyo kala duwan oo isku dhaf ah kuwaas oo ciyaaraya kaalmaha kala duwan oo wax-qabad ficil ah u baahan.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan