Home / Habka-Nolosha / Dr Erkut Sogut: “Ozil uma baahna Hal Million oo uu isbuucii qaadanayo”

Dr Erkut Sogut: “Ozil uma baahna Hal Million oo uu isbuucii qaadanayo”

Muqdisho – Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday inuu iska diido dalabyada u imaanaya laacibkaan oo ku aadan in uu qaadanayo £ 1m toddobaadkii, si uu baaqi ugu sii ahaado Arsenal.

Ozil wax ka yar hal sanno ayaa ka hartay qandaraaskiisa Emirates Stadium ka hor inta uusan go’aansan inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Gunners, laakiin waxa uu u muuqdaa in kubad sameeyahaan uu dalabyo badan oo faa’iido leh ka helay meelo kale.

Ciyaaryahankii hore ee Jarmalka ayaa soo jiitay kooxaha Asia, sida ay qortay jariirada London Evening Standard, 30-jirkan ayaa la siiyay fursad uu ku kasbado £ 50m sannadkiiba haddii uu diyaar u yahay inuu ka tago Arsenal.

Wakiilka laacibkaan Dr Erkut Sogut ayaa yiri”dalabaadyo waali ah ayaa ka yimid Asia”, laakiin Ozil ma ahan mid lacag doonayo.

Xiddiga khadka dhexe ayaa haatan ku jira xilli ciyaareedkiisii lixaad ee Waqooyiga London, isagoo afar gool iyo hal caawiye ka sameeyay 12 kulan oo Premier League ah iyo Europa League tan iyo bilowgii bishii August.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. propecia pills for sale 1998 06 02 2022 01 31 US Generic Prescription Products Name Dosage Strength Route Labeller Marketing Start Marketing End Region Image Ag ciprofloxacin Tablet 750 mg Oral Angita Pharma Inc

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan