Himilo – Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Daahir Afrax, wuxuu ahaa aqoonyahan magac iyo saameyn weyn ku dhex leh bulshada soomaaliyeed.
Wuxuu caan ku ahaa hormarinta iyo u hiilinta afka hooyo. Hawsha qoraanimada oo aad loogu xasuusto wuxuu geliyay maan iyo wakhti.
Dedaalkiisii la dagaallanka akhris iyo qoraal la’aanta waxay dhalisay inuu soo saaro buuggaag aad u qiimo badan oo hab dhigaalkooda la mahdiyay.
Xirfaddiisii hal curis waxay huwaneyd farshaxannimo xeel dheer taas oo ay ka marag kaceen qalinleyda Soomaaliyeed dal iyo dibadba.
Aragtidiisa xeesha dheer ayaa u sahashay inuu qalinka u qaato buugaag nolosha dadweynaha la fal-galaya xilli afkeennu qornaa muddo kooban.
Taniyo 1970s wuxuu ahaa shumac aqoonta afkeenna bilayay. Dhaxalka buugeed ee uu inooga tagay waxaa ka mid ah “Galti Macruuf, Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay, Maadeys, Durbaan Been ah & buugaag kale oo uu haldoorku ku qorey afka Carabiga.
Sheekadiisa Maana-faay oo lagu daabici jiray wargeyskii Xiddigta Oktoobar, waxay noqotay mid raadeysay qalbiyada dadka ilaa iyo maanta.
Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ahaa hal-door ma daale ah oo u kabo qaatay daryeelidda iyo samata-bixinta af hooyo oo uu u arkayay hanti qaran.
Wuxuu lahaa aasaaska ururro u istaagay badbaadinta afkeenna hooyo. Wuxuu ahaa bud dhigii naadiga qalinleyda soomaaliyeed, hadda wuxuu ahaa guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
Halyey qaran ayaa ka baxay ummadda Soomaaliyeed. Xalay ayay geeridiisu soo yeertay kadib markii dhakhaatiirtii kula tacaalayay istibaal ku yaala London ay xajiijiyeen dhimashadiisa.
Wuxuu ifka uga tagalay saddex carruur ah. Qiyaas ahaan 1950s ayuu ku dhashay waqooyiga gobolka Mudug. Waddamada uu wax ku soo bartay waxaa ka mid ah Yaman iyo Ingiriiska.