Home / Macluumaad / Dugsi ardayda ka mamnuucay waqtiga farxadda inay sacbiyaan

Dugsi ardayda ka mamnuucay waqtiga farxadda inay sacbiyaan

Haddii aad waqti ku qaadatay daabuurka dugsiyada waxbarasho, hubaal buuq badan iyo jabaq ayaa dhegahaaga hareeyay.

Hayeeshe Dugsi hoose oo ku yaalla dalka Australia ayaa ardaydiisa ku amray inay aamusnaadaan gooraha farxadda, weliba ardayda waxaa loogu sii daray fursad ay gacmahooda cirka ugu taagi karaan goorta ay farxaddu ka tan badato.

Dugsiga Elanora Heights ayaa siyaasaddiisa bileed kusoo daray sharcigaan oo dad badan cajab geliyay markii dhegahooda lagu dhibciyay.

Waxaa lagu sheegay warqad Dugsiga kasoo baxday in go’aanka lagu xushmeynayo dadka jaarka la ah ee dhibsanaya buuqa badan iyo dhawaaqa sare ee sawaxanka sita.

Keliya sacabka ayaa la mamnuucay bandhig arooryeedka toddobaadlaha ah ee ardaydu sameyso, iskuna bariidiso iyagoo raacinaya howl agaasimeedyo yaryar oo firfircooni lagu qaato kahor xiisadaha.

Howlaha kale ee ay ku lug yeelan karaan xeyn iyo kooxo ardayda ka mid ah sida; dhacdooyinka cayaaraha, bandhig sawirreedyada iyo isu imaatinnada tirooyinka ardayda iyo shaqaalaha dugsiga saameyn kuma yeelan doonto amarkan cusub.

Ardayda aan lixaadkoodu u dhameystirneen ayaa tixgelin loo siiyay go’aankan, iyadoo maamulka Iskuulka ay baahiyeen in ardaydaa qeyb kamid ah ay dhib ku qabeen sacabka halka qeyb kalena aanay fursad u heli jirin ka qeyb qaadashada sacabka itaalka xubnahooda oo aan dhameystirneen awgeed.

Xigasho: News.com.au

W/T: Nasri Ahmed Mohamed

Speed03623@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan