Home / Habka-Nolosha / Dugsi ku yaala Sydney oo abaal mariya ardayda ku guuleysta imtixaanka

Dugsi ku yaala Sydney oo abaal mariya ardayda ku guuleysta imtixaanka

Himilo – Dugsiga sare ee Al-Faisal ee ku yaala galbeedka magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa abaal marino lacageed guddoonsiiyay arday natiijo wanaagsan ka keenay imtixaanka shahaadiga dugsiga sare.

Maamulka dugsiga ayaa ardayda sanadka 12aad guddoonsiiyay midkiiba jeed ay ku qoran tahay lacag dhan $500, waxaase abaal marintaasi helay ardaygii maado waliba ka keenay najtiijo ka badan 90, sida uu wariyay warsidaha Daily telegraph.

Sida lagu daabacay mareegta dugsiga waxaa la abaal mariyay 212 arday, taas oo ka dhigan in la bixiyay adduun dhan $106,000. Shafiq Abdullah Khan, maamulaha dugsiga ayaa sheegay in qorshahan uu hirgalay kaddib tageero laga helay waalidiinta iyo bulshada degaanka.

Qorshahan ayaa looga gol leeyahay sida maamulka dugsigu sheegay in ardayda dhigata dugsiyada Islaamiga ah ay natiijo sare kasoo hooyaan imtixaanada guud oo ay kasoo muuqdaan kaalmaha sare.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan