Home / Daraasad / Dumarka toosa aroortii oo kaga qatar yar dhigooda kansarka ku dhaca horaadada

Dumarka toosa aroortii oo kaga qatar yar dhigooda kansarka ku dhaca horaadada

Muqdisho – Cilmi baaris cusub ayaa sheegtay in haweenka toosa aroortii ay kaga qatar yaryihiin kuwa kale kansarka naasaha. Daraasadaan oo ay sameeyeen baarayaal ka tirsan Jaamacadda Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa muujisay in haweenka fir-fircoon aroortii ay ixtimaal ahaan hooseyso heerka asiibidda laab bararka xun taas qiyaas lagu sheegay keliya 48 %.

Sida lagu daabacay Warsidaha Daily Mail, daraasadu waxay caddeysay in hurdada oo ka badata (Toddobo ilaa siddeed saac) maalintii ay kordhin karto in dumarka uu asiibo kansarka naasaha 20%, saacad walba oo dheeraad ah.

Khubaradu waxay leeyihiin fasiraadda arrintaan waxay u laabaneysaa dumarka, halkaas oo aad arkeyso haweenka ku fir-fircoon shaqada aroortii iney leeyihiin xilli hurdeed joogto ah, halka kuwa dib u dhigta shaqada ay goor danbe oo habeenkii ay shaqo ku gaaraa deedna ay ka cabtaan hurdo la’aan, taas oo qeyb ka ah walxaha kordhiya khatarta kansarka horaadada dumarka asiiba.

Dr. Rebecca Richmond oo ka tirsan Jaamacadda Bristol ayaa yir “ Waxaan jecelnahay inaan isku taagno shaqooyin dheeraad ah oo lagu hubinayo natiijadaan horudhaca ah, kaddibna lagu kaabo cilmi baaristaan, maadaama qiyaas ahaan lagu helay waydiimo la hordhigay shaqsiyaadka ka qeyb galay oo lagu kala doorinsiiyay subax iyo galab halka ay xaqiiqadu aheyd in si hubantiya loo ogaado xilliga uu soo toosay ruuxa aroor ama waqti danbe.

Balse baarayaashu waxay rumeysan yihiin in dhafarta ilaa goor danbe oo habeenkii ah ay waxyeeleyn karto saacadda maamusha maskaxda haweneyda, taas oo siyaadineysa khataraha, waxayna ka tarjumeysaa qoraalada daraasado horey loo sameeyay oo lagu ogaaday in shaqaalaha habeenkii iyo inta wajahda habeenkii iftiinka aan dabiiciga aheyn  ay yihiin kuwa ugu nugul kansarka.

Isha: Aljazeera.net

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan