Home / COVID 19 / Dunida: 1.52 Milyan oo ruux ayaa u geeriyooday Covid-19

Dunida: 1.52 Milyan oo ruux ayaa u geeriyooday Covid-19

Himilo – In ka badan 1.52 milyan oo ruux ayaa caalamka ugu dhimatay halka 66 milyan oo qofna ay qaadeen feyruska dilaagga ah ee corona, xilli dowladaha dunida ay qorsheeynayaan in dadkooda la gaariyaan tallaalada xanuunka si loo xakameeyo, AFP ayaa sidaasi warisay.

Mareykanka waxaa qaaday feyruska 14.8 milyan oo ruux halka ay u geeriyoodeen 285,656, taas oo ka dhigeysa dalka kiisaska ugu badan laga soo wariyay adduunka oo dhan. India ayaa kaalinta labaad ku jirta waxaa soo raaca Brazil, Russia, France, Spain iyo Britain.

Dadka ugu badan ee xanuunka qaaday waxey ku sugan yihiin qaaradaha Yurub iyo America, halka Asia iyo Africa yihiin kuwa ugu kiisaska yar marka iyaga loo barbardhigo.

Waxaa raja wayn laga qabaa tallaalada covid-19, kuwaas oo qaarkood helay ogolaansho fasaxeysa in loo isticmaalo kaliya dadka da’da ah ee hanaankooda difaacu liito.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan