Home / Arrimaha Bulshada / Dunida: Imisa qof ayaa dhibbane u ah buurnida xad-dhaafka ah?

Dunida: Imisa qof ayaa dhibbane u ah buurnida xad-dhaafka ah?

Himilo – Mid kamid ah dedaalada laga midaysan yahay dunidoo idil waa la dagaalanka buurnida da’yar iyo duqowba, cayilka oo caafimaad ahaan marka loo eego ah dufunta oo ku badata jirka ayaa xilliyada qaar sababi kara caafimaad darro.

Buurnida ayaa lagu tiriyaa iney kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee sababa geerida da’yar iyo duqowda koonkaan.

2015-kii ayaa la ogaaday in 195 dawladood oo caalamka ah dad ku kala dhaqan – tira ahaana lagu sheegay lix boqol oo milyan oo dadka waaweyn ahi ka cabanayaan buurni, halka caruurtana lagu qiyaasay boqol milyan, taas oo ka micno ah in dhibaato badan uu ku haayo shucuubta caalamka.

Bahda caafimaadka ayaa qaba in cunnooyinka qaar oo la badsado ay sababi karaan buurnida, taa cagsigeedana ay jiraan cunnooyin jirka iyo difaaciisaba u wanaagsan, suuragalna ay tahay qofka inuu joogteysto si uu uga hor tago baruur fuusha jirkiisa.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan