Dunida Muslimka oo maanta laga wada Soomay

1da Bisha 9aad ee Soonka Sanadkasta Muslimiinta Caalamka waxa ay gutaan Waajibka Soonka ee Rukniga Afaraad ee 5ta Rukni.

Maanta Waxaa Caalamka laga soomay Bisha Ramadaan ee ku jirta Sanadka 1444 Taariikhda Hijriga.

Sida Sanadihii hore dhici jirtay Sanadkan ma jiro Khilaaf iyo in la soomo maalmo kala duwan oo ugu yaraan hal maalin la kala hormari jiray.

Laga billaabo Muslimiinta Australia ee ugu horreeyay Soonka iyo kuwa ugu dambeeya ayaa maaluinta 1aad u tahay khamiista maanta ah inkasta oo uu jiro farqi ama kala duwanaansho xagga saacadaha ah oo ay kala horreeyaan.

Dalalka la isku yiraahdo Khaliijka ayaa Guddigooda qaabilsan go’aaminta Soonka iyo furitaankiisa Arbacadii ka cudur daarteen aragtida Bisha Soon,waxaana ay isku raaceen in Khamiista tahay maalinka 1aad ee Bisha Ramadaan.

Dadka Muslimiinta ah ee Maanta Soomay ayaa tirada dadka Adduunyada ka ah 25% maadaama tirada Muslimiinta kor u dhaaftay 2bilyan sida lagu sheegay tirakoobkii soo baxay November 15keedii ee tirada Dadka Adduunyada ka dhigay 8bilyan oo qof.

Muslimiinta ugu badan waxaa ay ku noolyihiin Indonesia oo 230M ah, Pakistan oo 212M ah, Hindiya oo 200 Milyan ah, Bangaladesh oo 150M ah iyo Nigeria oo 100m ah.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan