Home / Arrimaha Bulshada / Dunida oo markii 1aad laga dhisayo magaalo biyaha dul sabbayneysa

Dunida oo markii 1aad laga dhisayo magaalo biyaha dul sabbayneysa

Himilo – Marka la gaaro sanadka 2025 mid ka mid ah magaalo xeebeedyada Koofurta Kuuriya, waxaa laga dhisi doonaa magaalo badda dul sabbaynaysa markii ugu horreysa taariikhda dunida.

Mashruucan waxaa taageeraysa Qaramada Midoobay, ujeedadiisu waxay tahay in bani’aadanka laga badbaadiyo halista ka imaaneysa sare u kaca sii kordhaya jooga biyaha badaha caalamka.

Sida ay sheegeen hoggaamiyaasha qorshahan, magaalada biyaha dul sabbaynaysa waxaa laga dhisi doonaa xeebta Magaalo dekadeedda Busan  ee ku taalla waddanka Koofurta Kuuriya.

Dhismaha magaaladan nashqadeedu ku cusub tahay dunida waxaa ku baxaya kharas lagu qiyaasay $200 oo milyan. Waxaana lagu wadaa in sida ugu degdegsan lagu billaabo dhismaheedda.

Sida uu yahay hadafku waxaa laga dhisi doonaa 10,000 oo guri kuwaas oo loo dhisi doono qaab u adkaysan kara musiibooyinka dabiiciga ah sida daadadka, dabeylaha iyo duufaanada kala duwan.

Waxaan la ogeyn sida lagu xulan doono dadka degi doona magaalada iyo in kiro laga qaadi doono iyo in kale. Korontada laga adeegsan doono magaaladan waxay noqon doontaa Soolar.

Busan waxaa loo arkay halka ugu wanaagsan ee tijaabadan lagu sameyn karo. Balse qorshaha guud ee mustaqbalka wuxuu yahay in mashruucan uu ka dhaqan galo magaalooyinka xeebaha dhaca ee khatar sare u kaca badda wajahaya.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. However, like F actin, Aq0 distribution also reveals the abnormal fiber morphology, with mutant fibers located in the center of the lens remaining noncompacted and stained with the Aq0 antibody is viagra covered by medicare Journal of Otolaryngology 31 December 2002 371 375

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan