Home / Caafimaad / Duuliye: “Ficilkeyga waxa uu noqon karaa astaan farxadeed”

Duuliye: “Ficilkeyga waxa uu noqon karaa astaan farxadeed”

Himilo – Ku dhawaad muddo sanad ah oo dadyowga dunida ay ka niyad jabsanaayeen xaaladda cudurka Covid-19, waxa ugu danbeytii lasoo saaray tallaal ka hortag u noqon kara. Dadaaladaasi xakameynta iyo hortagaba waxaa hormuud ka ah culumada caafimaadka, qof walibase door ayaa kaga banaan.

Duuliye kasoo jeeda Jarmalka ayaa muujiyay xirfadddiisa, isaga hawada sare ee koofurta dalkaasi ku sawiray Silingo wadata cirbadeeda oo loo ekeeysiiyay inay ku jiraan dhibcaha tallaalka, si uu dadka ugu booriyo inay qaataan tallaalka loogana adkaado cudurka Covid-19.

Sida uu wariyay Daily Mail, duuliye Samy Kramer waxa uu sawirkaasi oo fidsanaa masaafo dhan 70KM ku qaatay saacad, waxaana sawirkaasi laga arki karay laba magaalo.

“Waxaa jira wali dad badan oo qaadacsan tallaalka, ficilkeyga waxaa laga yaabaa inuu raadeeyo maskaxdooda si ay kaga fikiraan arrinka, waxeyna fududeyn kartaa in horey loo dhaqaaqo. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu ahaa xoogaa astaan farxadeed, sababtoo ah shirkadaha duulimaadyada waxey yihiin kuwa sida qaraar u dhadhamiyay saameynta taban ee cudurka aafada ah,” ayuu Kramer u sheegay Reuters.

Si waliba, tallaal Covid-19 waxa uu kusoo aadayaa waqti feyrus cusub oo coronavirus ah laga dhow dal oo adduunka ah.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan