Muqdisho – Laacibka kooxda Chelsea iyo Xulka Qaranka Belguem-ka Eden Hazard ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay awooda Tababarahiisa cusub ee Muarizio Sarri isagoo dheegay in uu kamid yahay maamulayaasha ugu fiican Adduunka.
Sarri ayaa shaqada kooxda chelsea ka beddalay tababaraha ay isku dalka yihiin ee Antonio Conte kaas oo kooxda ku hogaamiyay ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.
Hazard oo la hadlaya Sky Sport ayaa yiri” Chelsea waxa ay abuurtaa fursado badan sidoo kale waxa ay dhiibtaa baas badan laakiin waxa aan wajahnay dhibaato kulankii West Ham”.
“Bilowgii xilli ciyaareedkan waxa uu ahaa mid fiican tababare Sarri waa tababare fiican waxana taas cadayn u ah guulaha aan gaadhayno xilli ciyaareedkan”.
“Laakiin Waxa la ogaan doonaa in uu yahay tababaraha adduuka ugu fiican marka kooxda uu ka saaro waqtiyada adag ee aan galno,
Kooxda chelsea ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala sarraynta horyaalka premier league iyada oo goolal ka dambaysa kooxda Man city oo ay isku dhibco yihiin.