Home / Cayaaro / Eder Militao oo qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Real Madrid

Eder Militao oo qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Real Madrid

Himilo – Daafaca kooxda Real Madrid ee Eder Militao ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis wakhti dheer ah u saxiixi doono kooxda.

Militao ayaa ku soo bilowday keliya 23 kulan oo La Liga ah labadiisii xilli ciyaareed ee ugu horeysay ee Real Madrid, laakiin tan iyo markaas wuxuu muhiim u noqday kooxda Carlos Ancelotti.

Daafaca ayaa ku soo bilowday 34 kulan oo horyaalka ah Real Madrid xilli ciyaareedkii hore kadib bixitaankii Sergio Ramos iyo Raphael.

Ka dib markii uu ka caawiyay Real Madrid ku guuleysiga horyaalka La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkii 2021-22, sida uu qabo khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Militao ayaa qarka u saaran in lagu abaalmariyo qandaraas cusub.

Xiddiga reer Brazil ayaa heshiiskiisa haatan wuxuu dhacayaa 3 sano kadib, laakiin waxa la filayaa in uu saxiixo heshiis kordhin uu kooxda ku sii hayn doono ilaa 2028-ka.

Real Madrid ayaa wali u baahan in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska cusub kaas oo la rumaysan yahay in haddii la soo dalbado lagu burburin karo lacag dhan £877m.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan