Home / Cayaaro / Edinson Cavani oo heshiiska u kordhinaya Manchester United

Edinson Cavani oo heshiiska u kordhinaya Manchester United

Himilo – Weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani ayaa ogoolaaday inuu kordhiyo joogitaankiisa Old Trafford. Ciyaaryahankii hore ee PSG ayaa si xor ah ugu biiray Manchester United isagoo heshiis hal sanno ah u saxiixay xagaagii lasoo dhaafay.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, kaddib wadahadallo toddobaadyo qaatay oo uu la yeeshay Ole Gunnar Solskjaer iyo madaxda kooxda, Edinson Cavani ayaa oggolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo Manchester United.

34 jirkaan ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican isbuucyadii u danbeyay, isagoo dhaliyay 7 gool lixdii kulan ee ugu dambeysay ee uu u ciyaaray Red Devils. Goolkiisii ugu dambeeyay ee kooxda wuxuu ahaa guushii 3-1 ay ka gaareen Aston Villa Axaddii, taaso oo ka dhigeysa goolkiisii sagaalaad xilli ciyaareedkan ee Premier League. Cavani ayaa sidoo kale dhaliyay shan gool kaliya afar kulan oo uu ciyaaray koobka Europa League.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan