Home / Cayaaro / Edinson Cavani oo u bixin doona lambarka 7-aad ee kooxda ciyaaryahan

Edinson Cavani oo u bixin doona lambarka 7-aad ee kooxda ciyaaryahan

Himilo – Edinson Cavani ayaa diyaar u ah inuu iska dhiibo lambarkiisa 7aad haddii Jadon Sancho uu ku biiro Manchester United isagoo ka tagaya kooxda Borussia Dortmund.

Red Devils ayaa sii waday inay heshiis kala gaarto Dortmund 21 jirkaan weerarka ka ciyaara, kaasoo leh 50 gool iyo 64 caawin 137 kulan oo uu u saftay kooxda Jarmalka.

United ayaa dooneysa inay Sancho keento Old Trafford xagaagan, waxaana loo maleynayaa inay ka dhigayaan da ‘yarka in uu wajaho wajiga cusub ee kooxda.

Sida laga soo xigtay Eurosport, madaxda Man United waxay doonayaan Sancho inuu xirto lambarka caanka ah ee 7aad, kaasoo haatan uu haysto Cavani.

Waxaa la sheegay in ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Uruguay, oo ku soo biiray United sanadkii la soo dhaafay, islamarkaana dhawaan saxiixay qandaraas kordhin 12 bilood ah, laga yaabo inuu doonayo inuu kala beddelo lambarro.

Xiddigaha sida Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo ayaa dhamaantood horay ugu soo ciyaaray funaanada.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan