Himilo – Edinson Cavani ayaa wacad ku maray inuu sii joogi doono Paris Saint-Germain ilaa qandaraaskiisu uu dhacayo iyadoo la isla dhexmarayo inuu ku biirayo Inter Milan.
Weeraryahanka, oo galaya xilli ciyaareedkiisii 7aad ee Parc des Princes, ayaa soo jiitay indhaha kooxda Inter iyadoo kooxda Serie A ka dhisan ay ka sii careysiisay ku guul daraysigooda Raadinta Romelu Lukaku.
Qandaraaska haatan ee Cavani ee kooxda heysata horyaalka Ligue 1 wuxuu soconayaa ilaa xagaaga soo socda, markaasoo la filayo inuu si xor ah uga baxo.
Isaga oo la hadlayay Le Parisien arinta ku saabsan mustaqbalkiisa, Cavani wuxuu yidhi: “Horaan ugu sheegay taageerayaasha waxaana u balan qaaday naftayda inaan joogi doono PSG ilaa dhamaadka qandaraaskeyga. Taasi waa hubaal.”
Cavani ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxda isagoo dhaliyay 193 gool, waxaana uu iska dhigay inuu yahay taageere jecel kooxda PSG.
Kulankooda ugu horreeya iyagoo isha ku haya inay ku guuleystaan horyaalkeedii 7aad oo xiriir ah Ligue 1 ayay garoonkooda ku wajahayaan Nimes 11-ka August.