Eey horseeday in lasoo xiro saaxiibkiis oo baxsad ka ahaa boliiska

0
1

Himilo – Rhian Coleman oo 32-jir ah waxa uu ku eedeysnaa inuu isticmaalo kana ganacsado daroogada marijuana, waxa uu qorsheeyay inuu ka dhuunto boliiska, balse Eeygiisa waxa uu lahaa qorshe midkaasi ka duwan.

Waxa uu boliiska si toos ah ugu geeyay Coleman oo ku dhuumaaleysanayay goob gaar ah markaas oo lasoo xiray, sida uu daabacay Yorkshire Evening Post.

Coleman, ayaa lagu xukumayay xabsi sagaal bil ah, isaga oo la dhaqan celin doono qabanna doono shaqo aanan wax mushaar ah lagu siineynin inta uu ku jiro xabsiga. Boliiska ayaana kaxeystay Eeygiisi caawiyay.

Sheekadan ayaa soo jeedatay dad badan iyaga oo Eeyga ku tilmaamay saaxiib wanaagsan maadaama uu Rhian Coleman ka celiyay daroogo halis u keeni karta uuna caawiyay boliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here