Home / Arrimaha Bulshada / Eli: 7-jirkii dabka ka badbaadiyay walaashiis

Eli: 7-jirkii dabka ka badbaadiyay walaashiis

Himilo – Waxey ahayd saqdii dhexe markii hooygii ay deganaayeen qoys ka kooban hooyo, Aabe iyo seddax caruur ah oo ay dhaleen uu dab qabsaday magaalada Tazewell ee gobolka Tennessee ee dalka mareykanka.

Nicole Davidson, hooyada reerka oo ku toostay dabka ayaa u sheegtay muuqaal baajiyaha WVLT8 news inay ku tooseen dabka iyada iyo seygeeda muddana ay isku dayeen inay damiyaan si ay u badbaadiyaan caruurtooda.

Lammaanahan oo horrey kaga tirsanaa waaxda dab damiska Mareykanka, ayaa ku guulleystay inay dabka ka samatabixiyaan labadooda wiil, waxaase ku adkaatay badbaadinta gabadhooda yar ee laba sano jirka ah.

Eli Davidson oo todobo san jir ah ayaa go’aansaday inuu walaashiis ka badbaadiyo dabka, isaga oo caawinaad ka helaya labadiisa waalid. “Waan baqayaa laakiin ma doonayo in walaasheey ay iga dhimato.” ayuu Eli ku yiri hooyadiis iyo aabihiis oo isku dayay inay ka bootiyaan daaqadda qolka ay jiifto gabadha yar.

Wuxuu u tagay walaashiis oo jiifta sariirta isaga oo soo haabtay kuna soo simay gacanta waalidiintiisa, iyada oo badqabta. Nasiib wanaag qoyska oo idil waa ay ka samatabaxeen dabka balse waxa uu dhulka dhigay hooygooda.

Warbaahinta Mareykanka oo wax ka qoray wiilkaasi yar ayaa ku tilmaamay halyeey naftiisa u huray badbaadinta walaashiisii baraadka la’eyd.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan