Home / Habka-Nolosha / Elman iyo Signjet oo galabta ku balansan horyaalka Soomaaliya

Elman iyo Signjet oo galabta ku balansan horyaalka Soomaaliya

Kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka heerka koowaad ayaa galabta gegada Banaadir Stadium ku dhexmari doona kooxaha Elman iyo Signjet.
Labadan kooxood ayaa indhaha ku haya sidii ay guulo u gaari lahaayeen oo dhibcaha kulanka galabta ay u heli lahaayeen.
Elman toddobaadkii tegay waxay barbaro la gashay hogaamiyaasha Banaadir SC halka Signjet ay iyana barbaro la gashay kooxda ka sareysa ee Saxafi.
Signjet waxay fadhisa booska sagaalaad, waxayna ka carareysaa inay heerka hoose u laabato, sidaa awgeed guulo inay gaarto ayaa ka go’an kulamadda soo aadan.
Elman qudheedu way u nugushahay guulaha oo oon bay u qabtaa si ay u hiigsato boosaska sare kuna soo laabato kooxdii la yiqiin waxaa ka xigta uun guulo isdaba joog ah.
Kulanka oo lagu dheeli doono galabta Banaadir Stadium ayaa soo dhici doona 3:30pm.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan