Home / Habka-Nolosha / Elman oo ka badisay Saxafi

Elman oo ka badisay Saxafi

Kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka dalkeena Soomaaliya ayaa Benadir Stadium ku dhexmaray kooxaha Saxafi iyo Elman.

Elman waxay ku hamineysay inay tiigsato kooxaha sare oo ay kulankan guul ka gaarto, halka Saxafi ay carar ka taagan tahay inay heerka labaad u dhacdo xagaaga, waana sabab kulankan xiiso u yeeshay.

Daqiiqaddii lixaadba cayaarta waxaa goolka bilaabay Nuur Ibraahim oo Elman hogaanka u dhiibay inta labaatan daqiiqo kaddib aanu goolka ka barbareyn Daadir Amiin.

Qeybtii labaad oo geba gebo ah waxaa gool nafta ku soo celiyay Elman u saxiixay Axmed Shiikh, goolkaa kaddibna waxaa isku dhacay Xasan Afgooye oo Elman u cayaara iyo Axmed Shiikh Mucaawiye oo metela kooxda Saxafi.

Garsoore Bashiir Colaad carab ayaana labada xiddig garoonka ka saaray oo siiyay kaarka cas kaddib falkii kubadda ka baxsanaa oo ay ku dhaqaaqeen.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan