Home / Habka-Nolosha / Elman oo ku durdurisay dhigeeda Signjet kulan horyaalka Soomaaliya ka tirsanaa

Elman oo ku durdurisay dhigeeda Signjet kulan horyaalka Soomaaliya ka tirsanaa

kooxda kubadda cagta Elman ayaa si awood ku dheehan tahay dhabanada ugu dhufatay dhigeeda Signjet oo kulan horyaalka Soomaaliya ka tirsan ay ku wada dheeleen gegada Banaadir Stadium.

Goolal ka kala yimid  Axmed Dahir Baariyoow iyo C/laahi Nur Agoogo ayay hogaanka qeybtii hore ku qabatay Elman, walow laacibka Agoogo daqiiqaddii 40aad cayaarta laga saaray markii loo taagay kaarka cas.

Nasiinada ayaa dib looga soo laabtay xilli Signjet looga hogaaminayay 2-0, waxayna dooneyso jabka qeybtii hore soo gaaray inay ka soo kabsato, hayeeshee way ku hungowday hankaa oo dharbaaxada Elman ayaa halkeedii ka sii socotay.
C/naasir Cumar oo lanbarka 7aad u qaata kooxda Signjet ayaana kaarka cas loo taagay, waxayna taa sii wiiqisay awoodda kooxdii daalaa dhaceysay, hamuuntana u qabtay inay cayaarta ku soo laabato.

Daqiiqaddii 89aad, waxaa yimid gool rajo beel baday SIgnjet, waxaana shabaqa ku shubay Maxamed Ibraahim si Elman ay u gaarto guul 3-0 ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan