Muqdisho – Emre Can ayaa sheegay inuu la dhacsan yahay xiisaha ay u heyso kooxda Juventus, wuxuuse tilmaamay inuu kusii harayo Liverpool tiiyoo uu ku dhacay inuu heshiis cusub u kordhiyo.
Heshiiska 23-jirkan uu ku joogo Anfield ayaa ku eg dhamaadka xagaaga xilli laga dhursugayo inuu ballaariyo heshiiska.
Can ayaa dhaliyay 7 gool 95 kulan oo uu kasoo muuqday kulamada kooxda taniyo markii uu kaga soo biiray Bayer Leverkusen sanadkii 2014. Xiddigan ayaa sheegay inuusan hubin sida mustaqbalkiisu u ekaanayo.
“Aalabaa waa sharaf in xiiso sidaas u weyn ay kuu muujiyaan koox weyn,” ayuu yiri Can. “Wakiilkayga ayaana wixii intaas ka baxsan fiiro u yeelanaya.”
“Horyaalka PL waa mid degan oo aad xiiso iigu leh.”
Liverpool ayaa booska 8aad ee kala horraynta horyaalka kaga jirta.