Home / Cayaaro / England oo ku dhawaad 100 sano kaddib la kulantay guuldarro weyn

England oo ku dhawaad 100 sano kaddib la kulantay guuldarro weyn

Himilo – Xulka kubadda cagta England ayaa xalay guul darro weyn oo taariikhi ah kala kulmay xulka Hungary, ciyaar ku dhamaatay 4-0 oo Ingiriiska lagu garacaay.

England ayaa lugtii hore oo ka dhacday dalka Hungary looga badiyay 0-1, iyada oo labada lug looga badiyay celcelis ahaan 5-0, taas oo ka dhigan guul darro weyn oo England ugu dambeysay 1928-kii.

Tababaraha xulka England Gareth Southgate, ayaa eedeyn kala kulmay taageerayaasha England iyo bahda warbaahinta oo si kulul u dhaliilay hab ciyaareedka xulka.

Hayeeshee tababaraha ayaa waxaa uu eedda dusha ka saaray daafacyada xulka England oo ku fashilmay in ay ilaaliyaan shabaqooda.

England ayaa kulamo ay bishan la ciyaartay xulalka Germany iyo Italy waxaa ay ku dhamaadeen barbarro, taas oo ka dhigan in xulka England sanadkan uu dhibaato weyn ku qabo kulamada saaxiibtinimada iyo kuwa caalamiga ah.

Xiriirka kubadda cagta England ee FA-ga ayaa laga yaabaa in ay ka fariistaan mustaqbalka tababare Gareth Southgate iyada oo taariikh xumada ka soo gaartay Hungary ay caro gelisay jamaahiirta England ee kubadda cagta caashaqsan.

England ayaa isu diyaarineysa koobka kubadda Cagta Adduunka ee ka furmaya waddanka Qadar bisha November sanadkan 2022ka.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan