Eric Bailly oo farriin cajiib ah u diray Jose Mourinho

Himilo FM –  Daafaca kooxda Manchester United Eric Bailly ayaa ku macsalaameeyay macallinkiisii hore ee Jose Mourinho farriin qiiro leh taasoo uu u mariyay boggiisa Twitter-ka.

Manchester United ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay shaqada ka raacdeysay Jose Mourinho, kaddib natiijo xummi kooxda ay la kulantay xilli ciyaareedkan.

Saraakiisha Red Devils ayaa waxay isla shalay oo Arbaco ahayd ku dhawaaqeen in Ole Gunnar Solskjær uu si ku meel-gaar ah kooxda u leylin doonno illaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Jose Mourinho ayaa sabab buuxda u ahaa in Eric Bailly uu soo caga dhigto garoonka Old Trafford sanadkii 2016-kii kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay kooxda reer Spain ee Villarreal 38 milyan oo Euro.

“Wax walba oo ay dhahaan, mar walba waan u mahadcelinayaa qofka i siiyey fursad aan kaga ciyaaro kulankeygii ugu horreeyay ee garoonka Old Trafford,”  ayuu ku yiri Bailly qoraal uu dhigay boggiisa Twitter-ka.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan