Home / Habka-Nolosha / Eric Cantona oo sheegay inuusan taageere u noqoneyn qarankiisa Faransa oo Euro 2016 martigelinaya

Eric Cantona oo sheegay inuusan taageere u noqoneyn qarankiisa Faransa oo Euro 2016 martigelinaya

Eric Cantona oo guulo badan lasoo qeybsaday kooxda Manchester United iyo qaranka Faransa ayaa carabka ku dhuftay in sanadkan uusan taageere u noqon doonin dalkiisa Faransiiska oo marti gelin doona cayaaraha qaramada qaaradda Yurub.

Xiddigan ayaa sheegtay inuu taageere u noqonayo qaranka Ingiriiska oo kamid ah waddamada ka qeybgalaya cayaarahaan oo bilaaban doona 10ka June.

Dhowaan ayuu halyeygaan weerar ku qaadan macallinka Faransiiska Didier Deschamps oo uu ku heysto sababta uu qarankiisa uga reebay inay metelaan laacibiinta kala ah Karim Benzema iyo Hatem Ben Arfa.

Cantona ayaa aaminsan in Karim Benzema iyo Hatem Ben Arfa asal ahaan kasoo jeedaan Waqooyiga Afrika, taasna ay tahay cunsuriyad uu kula dhaqaaqay macallin Deschamps.

Eric Cantona iyo Didier Deschamps oo sagaashameeyadii ka wada tirsanaa qaranka Faransa ayaa horaan dhowr goor isku dhacay.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan