Eric Garcia oo ku wajahan Barcelona

0
1

Himilo – Daafaca Spain ee Eric Garcia  ayaa heshiis dib ugu laabasho ah la gaaray kooxda Barcelona xagaagan.

19 sanno jirkaan ayaa kamid ah wax soo saarka xerada La Masia, wuxuuna hadda jecleysanayaa in uu dib ula midoobo kooxdiisii carruurnimo.

Sida uu werinayo Fabrizio Romano, Garcia ayaa si bilaash ah ugu biiri doono Barcelona marka uu idlaado qandaraaskiisa xagaagan.

Xiddiga reer Spain ayaan noqon sida uu rabo tababare Pep Guardiola isaga oo ku guuldarreystay noqoshada safka koowaad Cityzens.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here