Himilo – Anton Nguyen iyo shimbirkiisa Eric waxaa gabalku ugu dhacay dheelo la’aan ah si la mida dadka kula nool magaalada Brisbane ee dalka Australia.
Markii uu habeenku kala barmay ayaa waxaa dab uu qabsaday aagii uu ku noolaa, kaas oo gaaray hooyga ninkan xanaaneysta shimbirka ee Nguyen. Nasiib wanaagse waxaa markiiba dareemay dabka shinbirka Eric kaddibna dheelo afka furtay.
Dhawaqa shimbirka ayaa toosay Nguyen naftiisana kala baxsaday dabka qabsaday gurigiisa, kahor inta aysan soo gaarin kooxda dabka la dagaalanta abbaaro labadii habeenimo.
Markii uu samatabaxay ayuu u sheegay muuqaal baahiyaha dowladda Australia “Waxaan maqlay qeylada Eric waan ka toosay waxaa isoo uray qiic waxaan soo haabtay shimbirkeyga albaabka ayaana furay oo ka baxay markaan dib soo eegayna waxaan arkay gurigeyga oo holcaya”
Waxa uu sii raaciyay “Waan naxay dhib kalese ma qabo”, isaga oo ammaanay shimbirka samatabixiyay.