Home / Cayaaro / Erik ten Hag oo amray in Cawska laga beddelo xerada tababarka ee United

Erik ten Hag oo amray in Cawska laga beddelo xerada tababarka ee United

Himilo – Tababaraha cusub ee Kooxda Man United ayaa waxaa uu amray shaqaalaha Xerada Tababarka Man United ee Carrington ee Cawska la jaro lana gaarsiio 15mm si uu baaska ciyaartooyda u fududaado.

Erik; ayaa ballan qaaday in Man United uu ku soo celinayo ayaamihii Sir Alex waxaana uu sidoo kale xaqiijiyay in uu qaadanayo falsafaddii Sir Alex iyo guud ahaan hab ciyaareedkii uu ku wadijiray man United.

United ayaa 27June ku laabaneysa tababarka xilli ay isu diyaarineyso kulamada saaxiibtinimo eek a horreeyay horyaallada kala duwan ee ay u tartamaan Kooxaha qaaradda Europe.

Ten Hag  iyo kooxdiisa ayaa wajihi doona Liverpool kulan ka dhacaya Bangkok kaddib waxaa ay u safri doonaan  Melbourne halkaas oo ay kula ballansanyihiin  Crystal Palace waxaa ay kulamadooda saaxiibtinimo ku soo gaba gabeyn doonaa  Aston Villa ciyaar ka dhaceysa Perth.

Tababaraha u dhashay Holland ayaa ballan qaaday in Man United ku soo noqon doonto sidii lagu yaqaanay iyada oo ay isaga tageen Ciyaartooy muhiim ah kuwo kalena qorsheynayaan inta uusan suuqo xirmin in ay isaga tagaan United.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan