Home / Cayaaro / Erik ten Hag oo kulankiisii ugu horreeyay ee Liverpool ku furtay guul

Erik ten Hag oo kulankiisii ugu horreeyay ee Liverpool ku furtay guul

Himilo – Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka ciyaartoydiisa kulankii furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee Talaadadii ay Liverpool kula ciyaareen Thailand.

Jadon Sancho, Fred, Anthony Martial iyo Facundo Pellistri ayaa shabaqa soo taabtay kooxda Jurgen Klopp, iyadoo kooxda 20-jeer heysata horyaalka England ay 4-0 ku badisay.

“Waan ognahay inaan sameynay qaladaad, laakiin sidoo kale wax badan ayaan abuurnay, waxaana filayaa in kooxdeena ay u ciyaareysay si geesinimo leh,” Ten Hag ayaa u sheegay MUTV.

Man United ayaa haatan aadi doonta Australia halkaas oo ay kula soo ciyaari doonto Melbourne Victory, Crystal Palace iyo Aston Villa ka hor inta ayna Yurub ku laaban.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan