Himilo – Dawladda Ethiopia ayaa hal maalin ku beertay 350 milyan oo geed, sida laga soo xigtay masuuliyiin u hadlay xukuumadda oo xusay iney dhacdadaan tahay taariikh cusub.
Dr Getahun Mekuria, oo ah wasiirka tiknoolijiyadda iyo hal-abuurka ayaa sheegay in maqribnimadii Isniinta la beeray geedaha intaa le eg. Markii hore qorshaha ayaa ahaa in maalin lagu beero 200 oo milyan geeda ah.
“Maanta Ethiopia waxay ku dhaqaaqday isku day ay ku hananeyso kaalinta duni cagaaran,” sidaa waxaa lagu baahiyay barta twitter-ka ee xafiiska ra’iisulwasaaraha.
Waxaa meel dhexe maraya yoolka dawladda oo dhigaya in inta u dhaxeysay bilaha May iyo October gobolada dalka lagu beero 4 bilyan oo geed.
Ilaa iyo hadda, waddankan dhaca bariga Africa waxaa u suura gashay inuu beero 2.6 bilyan oo geed, saraakiil u hadlay waaxda beeraha ayaa sidaa laga soo xigtay.
Urur maxalli ah ayaa sheegay in 4% dhulka Ethiopia uu hadda yahay kayn, waxaa is dhimaya xaalufinta oo soo bilaabatay dhammaadkii qarnigii 19aad.
Ololaha dhir beerista waxa uu qeyb ka ahaa qorshaha ra’iisulwasaare Abiy Ahmed, kaas lagu soo celinayo muuqaalkii dhulka.
Dawladda India ayaa horey u dhigtay taariikh sanaddii 2017, markii ay beertay 66 milyan oo geed, balse hadda dawladda Ethiopia ayaa u muuqata iney kaalintaa ka riixaneyso.