Himilo -Kaddib markii Newcastle United, Watford, Southampton, Burnley, Aston Villa, Brighton & Hove Albion iyo Leicester City ay dhamaantood xiiseynayeen todobaadkii la soo dhaafay xiddiga qadka dhexe ee Adam Webster.
Wargayska The Sun ayaa sheegay in Everton ay sidoo kale xiiseyneyso 24 jirkaan, kaas oo ay kaga soo iibsadeen qiimo dhan £3.5million kooxda Ipswich Town.
Daily Times ayaa soo warineysay in Tractor Boys ay helayaan 10-20% iibka mustaqbalka marka ay isku afgarteen 2da koox.
Webster ayaa 47 kulan u ciyaaray kooxda Bristol City 2018-19 – dhamaan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyey seddex gool.
Laakiin haatan waxaa laga yaabaa inuu ku sii socdo garoonka Goodison Park, isagoo kula biiraya xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Andre Gomes.
Maamulaha Everton, Marco Silva ayaa suuqa ugu jira daafaca dhexe maadaama uu kooxda ka tagayo Kurt Zouma oo ku laabtay Chelsea, iyo Phil Jagielka oo ka tagay Goodison Park ka dib markii uu dhamaaday qandaraaskiisa.