Home / Cayaaro / Everton oo u dhaqaaqday soo qaadashada Samuel Umtiti

Everton oo u dhaqaaqday soo qaadashada Samuel Umtiti

Himilo – Sida ay ku warrameyso Mundo Deportivo, Everton ayaa xiiseeneysa xiddigga Barcelona Samuel Umtiti kaasi oo ay rabaan in ay soo qaataan bisha January.

Toffees hoggaamiyaheeda Carlo Ancelotti ayaa daneynaya in laacibkan reer France uu ku biiriyo safkiisa si uu u xoojiyo awoodda naadiga.

Samuel Umtiti ayaa Barcelona kaga soo biiray Lyon bisha 2016, kaddib markii uu halkaasi kusoo qaatay afar xilli ciyaareed oo guulo ah naadiga fadhigeedu yahay  Ligue 1, ugu danebyn waxa uu kamid noqday xiddigaha daafaca Barcelona isaga oo la lamaansan Gerard Pique.

27 sanno jirkaan waxa uu ku guuldarreystay in uu saameyn ku yeesho kooxda muddooyinkii danbe tan iyo markii kooxda  ay lasoo saxiixatay Clement Lenglet kaasi oo ka yimid Sevilla.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan