Home / Habka-Nolosha / Evra oo jecel kusoo laabashada gegida Old Trafford

Evra oo jecel kusoo laabashada gegida Old Trafford

Muqdisho – Patrice Evra ayaa raba inuu kusoo laabasho cajiib ku yimaado garoonka Shayaadiinta Cascas ee United-ka si uu kooxda ku ciyaarta Old Trafford uga caawiyo dhibta ka heysata garabka danbe.

Laacibka heer caalami ee u dhashay Faransiiska ayaan boos joogta ah ka helin naadigiisa Marwada Duqda lagu naaneyso ee Juve. Heshiiskiisa ayaa ku eg xagaagan hayeeshe waxaa loo oggolaan karaa inuu iskaga huleelo garoonka Alienza Arena ee magaalada Torino.

35-jirka ah laacib hore oo ay ka wada dheeleen United-ka, Rio Ferdinand ayaa cirka u qaaday maangalnimadiisa ah inuu kusoo laabto England – isaga oo bartiisa Instagram-ka ku qoray: “Evra, waxaan baraha bulshada ka maqlayaa inaad guriga imaaneyso.”

Daafacan shacbiyadda leh ayaa ku raaxaysana inuu kusoo laabto Manchester United kadib sanad iyo dheeraad oo uu kaga dhaqaaqay dhinaca kooxda Juventus heshiis ku kacaya lacag han 1.5 malyuun.

Boss-ka Jose Mourinho ayaa wali xal u la’ dhibta kooxdiisa ka heysta garabka danbe.

Evra ayaa kooxda United-ka kusoo biiray sanadkii 2006-da isaga oo u saftay 377 kulan kahor intuusan ka dhaqaaqin gegida Old Trafford sanadkii 2014-ka.

Wuxuu ahaa mid kamid ah ciyaartoyda ugu waaweyn ee Sir Alex naadigiisa xulka u ahaa.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan